Mareykanka oo soo saaray dalab culus oo la xiriira doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa dalbatay in la saxo khaladaadka ka jira doorashooyinka Soomaaliya, xilli la rumeysan yahay in boob lagu sameynayo kuraasta golaha shacabka.

Qoraal kooban oo ay twitter soo dhigtay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu soo dhoweeyey kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-ka bishan ka dhacaya Muqdisho, kaasi oo ujeedkiisu yahay in looga hadlayo muranka hareeyey hanaanka doorashada.

“Waxaan soo dhoweyneynaa qorshaha lagu qabanayo kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee diiradda lagu saarayo horumarinta iyo dedejinta hanaanka doorashada. Waxaan ka rajeyneynaa hoggaamiyayaasha Soomaaliya inay saxaan khaladaadka la arkay si loo xaqiijiyo in natiijooyinka doorashada ay helaan taageerada iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Mareykanka ayaa daba socday mid maanta kasoo baxay beesha caalamka oo lagu soo dhoweeyey shirka uu iclaamiyey ra’iisul wasaaraha ee Gola Wada-tashiga Qaran laguna dalbaday daah-furnaanta doorashada oo ay weli cabasho ka muujinayaan mucaaradka iyo xubnaha xil doonka ah.

“Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka waxa ay soo dhoweynayaan qorshaha lagu qabanayo kulanka fool ka fool ah u yeelanayo Golaha Wadatashiga Qaran oo diiradda lagu saarayo hagaajinta iyo dardargelinta hannaanka doorashada. Waxaan mar kale ku celinaynaa baaqayada ku aaddan daahfurnaan buuxda ee dhammaan hababka la xiriira,” ayaa lagu yiru warsaxaafadeedka maanta ka soo baxay wakiilada Beesha Caalamka.

“Waxaan weli sii buuxda u taageeraynaa hanaan kasta oo ku saleysan oo ixtiraama heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020 iyo 27dii May 2021. Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqeynaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada.” 

Mareykanka iyo beesha caalamka ayaaa marar badan lagu eedeeyey inay fiirsanayaan boobka iyo musuqa hareeyey doorashooyinka Soomaaliya, ayada oo ujeedkoodu yahay un in deg deg loo dhameeyo doorashada si loogu xalaaleysto malaayiinta dollar ee loogu talo-galay.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii