Shirkii Golaha Wasiirada DF oo lagu go’aamiyey in dib loo howl-geliyo guddiyadii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu go’aamiyey in dib loo howl-galiyo guddiyadii ka shaqeynayay cudurka Coronavirus.

Golaha oo isla fallan-qeeyay xaalada caafimaad ee dalka, kadib markii uu soo labo kacleeyay cudurka Coronavirus hirkiisi saddexaad, ayaga oo isla qaatay in dib loogu yeero guddiyadii ka shaqeyn jiray ee xukuumadda ahaa.

Golaha oo ka duulaya saameyntii uu kal hore ku reebay cudurka Coronavirus guud ahaan dalka ayaa xilligan doonaya in dib loo bilaabo wacyi-gelintii cudurkaas iyo tallaabooyinka looga gaashaman lahaa in hirkiisa saddexaad uu si weyn ugu faafo dalka.

Arrintan ayaa imaneysa xilli ay dhawaan Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya shaacisay in cudurka Coronavirus laga helay gobolka Banaadir kiisas gaaray 82, halka Somaliland laga diiwaan-geliyay 9 iyo Puntland oo 4 kiis ah.

Tirada guud ee kiisaska laga diiwaan-geliyay dalka tan iyo markii uu soo gaaray Coronavirus ayaa gaareys 23,169 kiis, waxaa ka bogsaday 12,903, halka ay u geeriyoodeen dad gaaray 1,333 qof, illaa hadda inta ay diiwaan-gelisay wasaaradda caafimaadka.

Coronavirus ayaa saameyn dhaqaale oo ballaaran ku yeeshay dalka, ayada oo xukuumaddu ay dhowr jeer soo rogtay xayiraado looga hortagayo in uu kusii faafo dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii