QM oo war kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay dhanka Gargaarka Bani aadamnimada ee Soomaaliya Aadam Abdulmoula ayaa war kasoo saaray Xaaladda Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari ee Puntland.

Aadam ayaa sheegay in wax laga xumaado uu yahay dagaalka Boosaaso oo sabab u noqday Barakaca Kumanaan ruux oo lagu dul dagaalamay iyada oo xaalad la joogo waqtiga is badelka cimilada Magaaladaas.

Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ayuu sheegay in ay diiwaangeliyaan kumanaan ruux oo isaga barakacday Guryahooda kaddib markii cabsi ay ka muujiyeen hubka culus oo meelo ka fog goobaha dagaalka ku dhacay.

Saraakiil katirsan Hay’adaha Qaramada Midoobay & kuwo maxali ah ayaa diiwaangeliyay xogta Barakacayaal ku sugnaa Magaalada Boosaaso oo dib usii barakacay maadaama uu saameyn taban ku reebay dagaalka.

70,000 (Todobaatan kun) oo ruux oo ah Dadka Boosaaso oo u dhigma 40% ayaa dib uga sii barakacay guryahooda, xaaladdooda ayuu sheegay ku xigeenka ergayga gaarka ee xoghayaha guud u qaabilsan arrimaha Bani aadamnimada inay tahay nolol adag.

“Waxa aan walaac ka muujineynaa dadka ka barakacay dagaalka Magaalada Boosaaso oo saameyn taban ku reebay noloshooda, 40% dadkii ku barakacay Magaaladaas ayaa dib usii barakacay, Boosaaso waxa ay horay u martigelisay 70,000 oo ruux oo dib u sii barakacay” ayuu yiri Adam Abdelmoula.

Boosaaso waxaa ku dagaalamay Ciidamada Puntland oo fulinaya amarka Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni & kuwa gaarka u tababaran ee PSF oo diidan in xilka laga wareejiyo Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano.