JUBALAND oo shaacisay jadwalka doorashada 6 kursi oo ka mid ah golaha shacabka

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Jubaland ayaa maanta shaaciyey jadwalka doorashada 6 ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee laga soo dooranayo maamulkaas.

Lixdan kursi ayaa ka mid ah 14 kursi oo uu guddigu sheegay inuu doorashado qabanayo 13-kii December, waxayna kala yihiin HOP82, HOP108, HOP113, HOP134, HOP203, HOP217.

Doorashada lixdan kursi ayaa dhaceysa 28-ka December, sida uu guddiga sheegay, ayada oo maanta oo ah 24-ka la billaabayo diiwaan-gelinta iyo shaacinta guddiga xulista ergada, halka musharaxiinta la diiwaan-gelinayo 27-ka.

Go’aanka Jubaland ay ku qabaneyso doorashada 6 kursi ayaa dhabarjab ku ah isku daygii ay Midowga Musharaxiinta Soomaaliya doonayeen inay ku hakiyaan doorashada oo ay sheegeen in la boobayo.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa horaantii bishan dalbaday in doorashada la hakiyo sababo la xiriira boob xooggan oo lagu sameeyey kuraastii la doortay badankood.

Hase yeeshee, dalabkooda ayaa waxaa si wadajir ah u diiday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda maamul goboleedyada, ayada oo Rooble uu amray in lasii wado doorashada.

Kuraastii afarta aheyd ee reer waqooyiga ee Muqdisho lagu doortay 19-kii December ayaa hadalkii Rooble u beddeshay ficil, waxayna si rasmi ah u xaqiijisay inuu fashilmay isku daygii mucaaradka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii