Wararkii ugu dambeeyay weerarka xarunta GOBOLKA BANAADIR iyo masuuliyiin…

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay Al-Shabaab goor sii horeysay ku qaaday xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ku taalla degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in dabley Shabaab ah oo shan ruux ah ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen xarunta maamulka gobolka Baanaadir, uuna hadda socdo dagaal u dhaxeeya dagaalamayaasha Shabaab iyo ciidanka dowladda.

Waxa kale oo lasoo warinaya in dableyda weerarka qaaday mid kamid ah uu is-qarxiyay, halka laba kale ay toogteen ciidamadda amniga, waxaana haatan gudaha Aqalka dowladda Hoose ka dhex dagaalamaya laba dagaalame oo Shabaab ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in hadda ay dagaalka kusoo biireen ciidamada sida gaarka ah u tababar ee Haramcad, kuwaasi oo howl-galka guud ahaan la wareegay.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay weerarkan loo adeegsaday qaraxyada, illaa haddana si rasmi ah looma xaqiijin.

Dhinaca kale, Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yabooh ayaa sheegay in la soo bad-baadiyay mas’uuliyiin badan iyo shaqaale katirsan maamulka gobolka Banaadir, oo ku sugna Aqalka dowladda Hoose.

“Alle ayay mahad u sugnaatay dhamaan maamulka sare ee Gobolka Benaadir way nabad qabaan. Weear ayaa saakay khawaarijtu kusoo qaadeen xarunta dhexe Gobolka Banaadir, inta badan shaqaalaha waa la soo badnaadiyay, welina waxaan kujirnaa howl-galka” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Xarunta gobolka Banaadir oo ah halka uu ku shaqeeyo duqa Muqdisho ayaa aheyd mid mashquul ah, waxaana xilliga uu weerarka bilaabanayey ka socday howlo shaqo.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab culeyska soo saartay Muqdisho, kadib howl-galada ka billowday gobollada dalka, waxaana weerarkii u dambeeyay oo toos ahaa ay ku qaaday Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada.