Daawo: Maxaa sabab u ah kororka weerarada Al-Shabab

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsan saraakiishii hore ee NISA oo u warramay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo dalka & kororka weerarada rogaal celiska ee ay kooxda soo qaado.

Korneel Macow ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dhowr sababood oo  Al-Shabaab u sahashay inay weeraro gaadmo ah ku soo qaado farisiimaha ciidamada huwanta.

Midda koowaad ayuu ku sheegay in uu jiro is barbar yaac ciidanka dhexdiisa ah, maadama ay ka kooban yihiin dhow qaybood, isla-markaana ay leeyihiin hoggaan kala duwan.

“Waxa isbedalay waxaa waayey dagaalka Shabaabka lagula jiro waxa uu noqday dagaal ay kula jiraan dadka deegaanka iyo ciidamada Xoogga dalka marka waxaa isku dhex yaacay ciidamadii oo kala gadisan oo kala nooc ah. Gorgor oo si gooni ah u tababaran, Danab iyo ciidanka hore ee Xoogga dalka Soomaaliya iyo dadka deegaanka ka dalaamaayey ee Macawiisleyd,” ayuu wareysigan ku yiri orneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsanaa NISA.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in ciidamada huwanta marka ay qabsadaan deegaan inay u kala dagaan qayb qayb, islamarkaana aysan isku gurman, sida uu hadalka u dhigay.

“Sababaha waxaa kamid ah marka uu ciidanka deegaanka qabsado tusaale Galcad marka la qabsaday dadka deegaanka u dhashay meel ayey dageen ayaga oo hubeysan, ciidanka kalena ee Xoogga dalka meeluu dagay, Danab-na si gaar ah ayey meel u dagtay marka waxaa waayey aagag isku dhow oo aheyd inay isku gurmaadaan ayey aheyd gurmadna ma helin ciidankan la soo weeraray,” ayuu markale yiri Korneel Cabdullaahi Cali Macow.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in caqabad kale ay ka timaado xubnaha Shabaab ee isa soo dhiibayo, kahor inta aysan ciidamada dowladda gudaha u geln deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in loo baaan yahay in dadkaasi la marsiiyo habraacyo amni oo sax ah.

Koreelka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in sidoo kale ciidanku ay isticmaalaan balwad, sida Qaadka oo kale, taasina ay halis ku tahay ciidamada, maadaama ay dagaal adag ku jiraan, isaga oo ku taliyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay wax ka qabato arrintaasi.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in ciidamada iyo saraakiishooda aysan sameyn roondo, isla-markaana uu weerarka ku qabsado xerada dhexdeeda, taasina ay sii kordhineyso khasaaraha, isaga oo soo jeediyay in la sameeyo difaac adag iyo sahan jooogto ah.

“Mida kale waxaa u sababa waa inay 24 saac maalin iyo habeenba ciidanka wa a inuu sahan leeyahay Roondo waa inuu leeyahay meesha ciidanka uu ku sugan yahay waa inuu jiro difaac adag,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Korneel Cabdullaahi Cali Macow