Wararkii ugu dambeeyay weerarkii ay jabhadda ku qaaday saldhiga BOORAMA

Boorama (Caasimadda Online) –  Faah faahino dheeriya ayaa ka soo baxaya weerar saaka lagu qaaday saldhiga dhexe ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Weerarkaasi ayaa waxa mas’uuliyadiisa sheegtay Hogaamiyaha Jabhada weerarka soo qaaday ee Suldaan Wabar, isagoona xaqiijiyey in weerarkaasi ay fuliyeen ciidamo isaga ka amar qaato.

Suldaan Abuubakar Wabar ayaa sheegay in ujeedka ka dambeeyay weerarkaasi ay ku qaadeen saldhiga dhexe ee Boorama uu ahaa in ay xukuumada Somaliland tusaan in dib u soo rogaal celisay Jabhadii uu hogaamin jiray, isla markaana ay awood leedahay.

Suldaan Wabar ayaa sidoo kale waxa uu xaqiijiyey in weerarkaasi ay wax khasaaro weyn ah uu ka soo gaarin ciidamadiisa, iyagoona nabad qaba ay ku soo laabteen fariisintoodi ay markii hore ka baxeen.

Wabar ayaa sheegay in Jabhadiisu ay sii wadi doonto dagaalka, isla markaana ay awooda ciidankiisu tahay mid iska caabin karta ciidamada gobolka Awdal ee xukuumada Biixi, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale, Taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Somaliland, Sareeyo Guuto Faarax Maxamed Mirre oo isaguna goordhoweyd oo maanta ah la hadlay warbaahinta ayaa weerarkaasi ku sheegay mid ay fuliyeen dabley hubeysan.

Taliyaha ayaa wax uu ku sheegay ‘Qas wadeyaal’ ay weerar ku soo qaadeen Saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, isagoona xusay in ciidamadu ay iska caabin kala hortageen rasaastay ku fureen.

Waxa kale oo uu Taliyuhu sheegay in ciidamadii ku sugnaa saldhigaas ee weerarka lagu qaaday ay eryadeen qolodii weerarka ku soo qaaday, ilaa ay u gudbeen xuduudka Itoobiya, waa sida uu sheege.

Xaalada guud ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa hadda ah mid degan, kadib markii ay saaka marti u noqotay dhowr saacadood oo dhawaaqa rasaasta iyo xaalad amni daro, sida Caasimada Online loo xaqiijiy.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama
caasimada@live.com