Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Baydhabo

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socdaan wali rabshado looga soo horjeedo xariga musharax Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xaafadaha magaalada Baydhabo ay wali kala xiran yihiin, iyadoo xalay la gubay goobo ganacsi oo ku yaala magaalada Baydhabo, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in cabsida darteed wali ay xiran yihiin goobaha Ganacsiga.

Dadka banaanbaxyada dhigayay ayaa dalbanaya in lasoo daayo Sheikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shalay dowladda Soomaaliya ay kasoo kaxeysay magaalada Baydhabo isagoo lagu xiray Muqdisho.

Iyadoo rabshadahaasi ay ka jiraan magaalada Baydhabo ayaa kulamo looga hadlayo xaaladda kasoo korortay Koofur Galbeed waxay ka dhaceen magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay siyaasiyiin kasoo jeeda Koofur Galbeed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in laamaha amaanka ee magaalada Baydhabo ay doonayaan inay ka hor tagaan dadka abaabulaya rabshada kasoo cusboonaaday magaalada Baydhabo.

Maalintii shalay dad ayaa ku dhintay kuwo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii ay israsaaseeyeen ciidamada ilaalada u ah Mukhtaar Roobow iyo kuwa sugaya amaanka magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com