Wararkii ugu dambeeyay xadhiga xoghayaha Ucid iyo xiisadda ka dhalatay

Hargeysa (Caasimada Online) ―   Xoghayaha arrimaha gudaha Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo maalinkii Khamiistii ciidamada Booliska Somaliland xabsiga u taxaabeen, ayaa wuxuu xadhigiisu xiisad ka dhaliyay gobolka Saaxil.

Dadweynaha Degmada Sheekh ee gobolka Saaxil ayaa dhigay Mudaharaad ay kaga soo horjeedaan xadhiga lagula kacay Xoghaye Ramaax oo degaan ahaan ka soo jeeda degmadaasi, iyagoona dalbanayey sii deyntiisa.

Xadhiga Ramaax ayaa daba socday kadib markii uu soo dacweeyay Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, oo isagu Ramaax ka tirsanaya deel-qaaf uu warbaahinta u mariyey, sida ay sheegen Ciidamada Booliska Somaliland.

Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, ayaa siweyn u cambaareeyay xadhiga ay Ciidamada Boolisku kula kaceen Xoghayahoodii, iyagoona Xukuumada ka dalbaday in si deg deg ah xoriyadiisa loogu soo celiya Ramaax oo ku xiran Xarunta CID-da.

Ucid ayaa xadhiga Ramaax ku tilmaamay mid aan sharci aheyn, oo ku yimid cadho iyo awood sheegasho maamul, isla markaana xusay in magac xumo ka raaci doonto Xukuumada Muuse Biixi.

“Waan cabaaraynaynaa xoghayihii arrimaha gudaha ee xisbiga Ucid Md.Ramaax, arintaas uma aragno xadhig sharci ah ee waxaan u aragnaa xadhig cadho ku yimid, waxaanan jeclayn aad ku hadashay awoodna waxaanu u leenahay inaanu ku xidhno, xadhiguna waa uu dhamaanayaa waxa hadhayaa waa magac xumada” ayuu yiri Axmed Cabdi Muuse Abyan, Musharaxa Madaxweyne ku-xigeen ee Xisbiga Ucid. .

Ramaax ayaa ka hor inta aan la xidhin waxa uu warbaahinta u sheegay in Wiil ay walaalo yihiin Madaxweyne Muuse Biixi uu dilkiisa ugu hanjabay, wuxuuna yiri “Muuse Biixi hanjabaadiisa dalka looga tagi maayo halkan waxa hore uga dhacday aniga oo aan cabanayn oo Ramaax ah oo xabadaydiina gaadhiga iigu jirto ayaa uu walaalkii iigu hanjaby inuu idili doono laakiin waxba lamuu soo bixin horena umaan sheegin ragbaana markhaati ka ahaa, waxaan u qarinaayay inan yar oo walaalkii soo diray ayaan u arkaayay”.

Afhayeenka Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Barkhad Jaamac Batuun oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xadhiga Ramaax uu yahay mid siyaasi ah oo xukuumadu uga dan leedahay maran habaabinta arrimaha taagan ee doorashooyinka.

“Xadhiga Ramaax waxaan u arkayaa waa xadhig siyaasi ah, hadaan sharciga dib ugu soo noqdo markaan leeyahay xadhig siyaasi ah waxa uu yidhi waxaanu ku soo qabanay waaran. Mudo ayaanu aamusnayn waxaanu la aamusnayna gudi ayaa na dhex gashay qolada xukuumada iyo xisbiyada waxa la yidhi wixii dhaawac keenaya halaga dheeraado” ayuu yiri Afhayeen Barkhad Batuun.

Wuxuuna intaas kusii daray Afhayeenku “Gudidaasina gudi sharaf leh oo Somaliland isku xilqaantay oo Culimo iyo Abwaanaba lahayd ayay ahayd abaal iyo ogaalna waan u haynaa  anagoo tii ku joogna waxa wixii burinaaya qoladii xukuumada Ramaax ayaa layska soo xidhay waa si aragtidu u leexado oo waji kale loo galo, aragti doorasho ayaa taagan oo dalkani waxa uu u baahan yahay doorasho uma baahan xadhig Ramaax iyo xabadayn muwaadin”.

Xadhiga Xoghayaha Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid, ayaa sidoo wuxuu u muuqda mid sii kicin kara xiisadii cakirneed ee ka dhex aloosneyd xukuumada Muuse Biixi iyo Xisbiyad Mucaaridka, oo iyadu maalmihii u dambeysay u muuqatay mid soo qaboobeysay.