Wararkii ugu dambeeyey ciidanka laga keenayo Eritrea iyo tirada diyaaradaha yimid

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli si habsami leh u socda soo daabulidda ciidamada Soomaaliyeed ee muddada saddexda sano ah tababarka ugu maqnaa dalka Eritrea.

Diyaaraddii ugu horraysay ee sidday qayb ka mid ah ciidamadaas ayaa shalay kasoo degtay magaalada Muqdisho, waxaana xigay dhowr diyaaradood oo kale oo shalay illaa maanta soo degay, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in illaa hadda ay soo degeen shan diyaaradood oo ciidanka sida, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn tirada ciidamada la keenay. Wararka qaar ayaa sheegaya inay ka badan yihiin 500 oo askari tirada askarta hadda Xamar yimid.

Askartaas ayaa isla xalay loo kala daabulay xerooyin ciidan oo ku yaalla Muqdisho, taasi oo keentay in xalay la xiro waddooyinka Muqdisho qaarkood, intii uu socday howlgalka daabulidda. Waxaa sidoo kale macquul ah in mar kale caawa loo kala daabulo xerooyinka magaalada.

Duulimaadyada ayaa socon doona illaa bisha Janaayo, waxaana la filayaa in soo daad-guraynta ay soo geba-gebowdo horraanta illaa bartamaha Janaayo. 

Wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in soo noqoshada ciidankan ay muhiimad gaar ah u leedahay umadda Soomaaliyeed iyo wasaaradda gaashaandhigga, ayna dhiig cusub ku biirinayaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

“Haddii Ilaahey yiraahdo waxaan rajeyneynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga qeyb qaataan howlgallada lagu cirib tirayo khawaarijta dalka,” ayuu yiri.

Cabduqaadir ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii lagu tababaray Eritrea dhammaan ay dalka dib ugu soo laaban doonaan maalmaha soo socda.

Wasiirka oo aan wax ka waydiinnay halka ay ciidamadan ka howlgali doonaan ayaa sheegay in dhammaan dalka ay ka howlgali doonaan.

“Dhammaan dalka ayay ka howlgali doonaan meel allaale iyo meeshii waajibaad laga siiyo oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed guud ahaan dalka ayuu ka howlgalayaa,” ayuu yiri wasiirka.