Xiisad u dhexeyso ciidanka K/G iyo kuwa Badbaadada oo ka taagan BAYDHABA

Baydhabo (Caasimada Onlin) – Wararka laga helayo gudaha magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in haatan laga dareemayo dhaq-dhaqaaq ciidan oo ku aadan xaaladda kacsan ee maamulka Koonfur Galbeed, taas oo ka dhalatay muddo kororsiga Cabdicasiis Laftagareen.

Xiisadda ayaa u dhexeyso ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo kuwa la magac baxay Badbaadada oo maalmo kahor looga dhawaaqay magaaladaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada Badbaadada Koonfur Galbeed oo wada abaabul xoogan ay haatan isku uruursanayaan duleedka magaalada, halkaas oo laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo, sida ay inoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Saraakiisha hoggaamineyso ciidamadan ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan maamulka Laftagareen, gaar ahaan muddo kordhinta halka sano oo todobaadkan u bilaabatay.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha ammaanka ee magaalada Baydhabo oo ku aadan xaaladaha kasoo kordhay magaaladaasi, oo haatan wajaheyso xiisad horleh iyo hardan siyaasadeed oo ku aadan loolanka doorashada Koonfur Galbeed.

Xiisadda ayaa u muuqata mid kasii dareysa, waxaana dhinaca kale cadaadis xoogan la kulmaya madaxweynaha maamulka, si uu ugu yaraan u qaado tallaabo isbeddal ah.

Lama oga sida ay wax noqon doonaa, balse waxay aad looga war dhowrayaa shirka dib u heshiisiinta ee u iclaamiyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe, kaas oo dhacaya 5-ta bishan Janaayo ee sanadka nagu soo wajahan ee 2023-ka.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa horay uga dhacay doorasho dhalisay dhimasho, dhaawac iyo mudaharaadyo, taas oo 4 sanno kahor lagu soo doortay madaxweynaha hadda tallada haya ee Laftagareen, waxaana markale laga digayaa in qalalaase ay ka dhacaan maamulkaasi.