Xog: Sababta xalay loo xiray waddooyinka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay muddo saacado badan ah xirnaa qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo diidayay inay maraan dadka iyo gaadiidka.

Ciidamo farabadan iyo gaadiidka dagaalka ayaa xalay lagu arakayay laga billaabo isgoyska Taleex illaa Banaadir iyo laga bilaabo Isgoyska KM4 illaa Isgoyska Warshadda Caanaha.

Ciidamada ayaa dadka iyo gaadiidka u diidayay inay waddooyinkaas isticmaalaan, iyada oo ciidamada ay xilli hore oo fiidkii ahaa ay xireen waddada balse saqdii dhexe ay dib u fureen.

Sababaha waddooyinka loo xiray ayaa waxaa xogta aan helnay ay sheegeysaa inay tahay in meelo ka mid ah xerooyinka ku yaalla Muqdisho loo daabulayay ciidamadii shalay gelinkii hore laga keenay dalka Eritrea.

Ciidankaas ayaa ahaa qeybtii ugu horreysay ee 5,000 oo askari oo dowladda ay kasoo celineyso dalka Eritrea oo muddo ka badan saddex sano ay tababar ku qaadanayeen.

Qaar ka mid ah dadka uu saameeyay xirnaanshaha waddooyinka ayaa sheegay qaarkood in xalay meelo aan aheyn guryahooda ay seexdeen kadib markii waddooyinka laga xirtay.

Waxaa ay ku eedeeyeen dowladda Madaxweyne Xasan sheikh inay waddooyinka iska xirato, iyada oo aan la ogeyn, waxaana madaxda dalka ay ugu baaqay in ay kusoo wargeliyaan inta aan la xirin waddooyinka.

Madaxweynaha hadda talada dalka haya ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu mucaaradka ahaa ku eedeyn jiray Madaxweynihii ka horeeyay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in dadka uu waddooyinka ka xirtay, balse hadda isaga tallaabaas mid la mid ah uu sameeynayo.

Dadka amniga fallanqeeya ayaa rumeysan inaan laga fursan karin in la xiro waddooyinka amni si loo yareeyo qaraxyada baabuur, xilli dowladda aysan lahayn istaraatiijiyad amni oo kale.