Wararkii ugu dambeeyey dadaalada uu Kheyre ka wado Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Maanta dhagax dhigay dhisme uu ugu magac daray Hoyga nabadadda Magaalada Gaalkacyo.

Kheyre oo dhismaha hoyga nabadda ku tilmaamay sharaf u soo hoyatay Mudug iyo guud ahaan Dadka Soomaaliyeed, ayaa maamulada magaalada Gaalkacyo ku amaanay sida looga gudbay colaadii hala keyday magaaladaas, isagoo kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan si Guriga nabadda Gaalkacyo loo gaarsiiyo guriga nabadda Soomaaliya.

“Gaalkacyo midaysan waa Soomaaliya oo mideysan, Gaalkcayo nabad ah waa Soomaaliya oo nabad ah”, Ayuu yiri Khayre.

Munaasabadda Dhagax dhigga oo ka dhacday Koofureed ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb galay labada guddoomiye ee Gobalka Mudug, Gudoomiyayaasha Degmada Gaalkacyo ee Puntiland iyo Galmudug iyo Bulshada oo kala timid Waqooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha Kheyre ayaa sheegay in guriga Hoyga nabadda Gaalkacyo uu saldhig u noqnayo Dadka ka shaqeeya nabadda Gaalkacyo, Odayaasha dhaqanka iyo Dadka sama-doonnada ah, si sare loogu qaado yiri is-dhex galka Bulshada Gobolka Mudug oo mudo dheer kala xirnaay.