Xiisadda Somaliland iyo Puntland oo ka dartay iyo dagaalka isimada oo bilowday


Muqdisho (Caasimadda Online) – Tan iyo markii uu bilowday iska hor imaadka u dhaxeeyo Maamulada Puntland iyo Somaliland kaasoo ka dhacay Gobolka Sanaag waxaa isisoo tarayey Ciidamada, Ugaasyada iyo madaxda kasoo goosanayey Maamulka Somaliland kuwaas oo kusoo biirayey Puntland.

Waxaa socdo loolan adag oo ku aadan sidii loo kala jiidan lahaa Garaadada Beelaha halkaas daga si uu maamul kasta ugu awood bato Gobolkaas.
Waxaa socdo olole culus oo ay wado Somaliland kaasoo ay ku dooneyso inay ku abuurto odayaal dhaqameedyo cusub si loo carqaladeeyo odayaashii soo jireenka ahaa, waxaana howsha inteed badan wado ganacsato taageersan shirkado ka howlgala Puntland oo laga leeyahay maamulkaas.

Arrintaan ayaa waxaa looga gol leeyahay sidii loo kala furfuri lahaa beelaha Sanaag ee ay ku dheertahay qadiyada Puntland sida Garaad C/llaahi Cali Ciid.

Odayaal dhaqameedyo ka tirsan deegaanka Sanaag ayaa ku eedeenaya Cali Maxamuud Xasan (Cali laangare) oo madax ka ah xarun shirkadeed oo caan ah inuu qaban qaabinayo caleemo saar ka dhici rabo Miyiga Xiingalool, si loo badalo Garaad Cabdilaahi Cali Ciid oo isagu aaminsan in Sanaag ay kamid tahay Puntland.

Garaadka cusub ee la doonayo in halkaas lagu caleemo saar ayaa la sheegay inay wadato Somaliland oo iyadana ku adkeesaneyso in Gobolka Sanaag kamid yahay deegaanada Somaliland.

Isinka lagu caleemo saari rabo Miyiga Xiingalool ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamuud Jaamac Qaroof oo ahna nin caan ka ah magaalada Boosaaso. Waxay kale oo odayaasha qaarkood ku eedeenayaan suldaanka cusub in Somaliland u wakiilan doonto hubaynta kooxaha nabad diidka ah iyo khalkhal abuurid ka shaqayn doono isaga oo shaatiga isinnimada ka faa’iidaysanaya.