Wararkii ugu dambeeyey dagaaallada beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal

Marka (Caasimada Online) – Waxaa weli Gobolka Shabeellaha Hoose ka sii soconaayo dagaalada u dhaxeeya beelaha ku wada dirirsan Gobolkaasi ee Habar-Gidir iyo Biyo-Maal, iyadoo maanta ay markale ka dhaceen dhinaca Deegaanka Ceelwareegow, ee duleedka Magaalada Marka.

Garab ka mid ah labada garab, ayaa la soo sheegayaa in ay weerar ku ekeysay Deegaanka Ceelwareegow, halkaa oo uu ka dhacay dagaal hubka noocyadiisa kala duwan leesku adeegsaday.

Dagaaladaan, ayaa waxaa barbar socday guryo badan oo lagu gubay Deegaanka Kobi Libi, oo ku dhow Deegaanka Ceelwareegow, oo shalay iyo maantaba ay dagaalo culus ka soconayeen.

Dad badan, ayaa waxaa lagu khasbay in ay isaga cararaan guryahooda oo ku yaal Deegaanka Kobi Libi, iyagoo u cararay Deegaanada kale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, si ay ugu nabad gallaan.

Sidoo kale dhinacyada isku haaya Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay weli isku horfadhiyaan Deegaanada Nambar Konton, Ceel Sagaaroole iyo Busleey, iyadoo xilli kasta leesku dhici karo.

Dhanka kale waxaa maanta la soo sheegayaa in xiisad ay ka taagan tahay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ay u dhaxeyso Ciidamada Militariga iyo Ciidamada Madaniga ah ee ka hawlgala.

Militariga oo saakay si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta Degmada Wanlaweyn, ayaa waxay horey kaga sii qaateen ilaa 4 qoryo, oo lagu sheegay inay lee yihiin ganacsatada Deegaanka.

Ciidamada Madaniga oo maanta bilaa dagaal kaga baxay Degmada Wanlaweyn, ayaa waxaa la soo sheegayaa in dib ugu laabteen Duhurnimadii, iyadoo laga cabsi qabo in Militariga ku soo rogaal celiyaan.

Ugu dambeen Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ayaa maanta waxaa qarax xoogan lagula eegtay Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, lamana garanaayo cidda geystaya qaraxaasi.

Xiisada ka taagan Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay salka ku heyso arrimo Siyaaadeed, oo ka waaweyn beelaha la sheegaayo in ay is gvfb ku hayaan Gobolkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com