Dhageyso: BF Somalia oo ku dheggan wasiirada xildhibaanada ah, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta yeeshen xildhibaannada baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya,waxaana farrin looga direy xildhibaannada ka tirsan baarlamaanka ee hadda ah wasiirro.

Waxaa shir guddoomiyanayey kulanka baarlamaanka guddoomiye ku-xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad,waxaana uu sheegay in looga bahan-yahay xildhibaannada haddana wasiirrada ah inay soo xaadiran dhammaanba fadhiyada baarlamaanka.

“Waan u mahad-celineyna xildhibaannada labada shaqo isku wada,waxaan fareyna inay dhowran mas’uuliyda xildhibaannimo oo ay ka soo qeyb-galan fadhiyada baarlamaanka”ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.

Ugu danbeyntii,waxaa uu guddoomiye ku-xigeenka baalamaanka uu amaray in ay soo xaadiraan kulamada baarlamaanka maadaama ay guno ku qaadaan Xubinnimada baarlamaanka oo aan loo dul qaadan doonin in ay fadhiyada baarlamaanka ka maqnaadaan.

Halkan hoose ka dhageyso Mahad Cabdalla Cawad

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com