Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus oo ka socdo duleedka GARBAHAAREY

Garbahaarey (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga Al-Shabaab uu ka qarxay inta u dhexeyso degmooyinka Garbahaarey iyo Beledxaawo oo ka tirsan gobolkaasi.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa hadda ka socdo deegaanka lagu magacaabo Caracase, halkaas oo ay ku sugan yihiin xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka  Soomaaliyeed ayaa weerar ku qaaday deegaankaasi, waxaana kadib ka billowday dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyo labada dhinac.

Ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan oo weli ka socdo halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi ku sii daraya in xaaladdu ay tahay mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo dhanka kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan ayaa qayb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyada ay haatan wado dowladda dhexe ee Soomaaliya oo Al-Shababa looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka.

Xiisadda dagaal ee labada dhinac ayaa sii xoogeysatay markii ay dagaalka ku biireen dadka deegaanka, gaar ahaan maleeshiyaadka Macawiisleyda oo garab siinaya ciidanka dowladda.

Si kastaba, tan iyo markii ay billowdeen howlgalladan oo uu xoogeedu ka socdo Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa ciidamada dowladda ay kula wareegeen deegaano horleh.