Wararkii ugu dambeeyey dagaal iyo duqeymo culus oo ka socda gobolka HIIRAAN

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan dagaal culus iyo duqeymo is barbar socda ay ka socdaan qaybo kamid ah gobolkaasi, kadib markii ciidanka huwanta iyo saaxibada caalamiga ah ay weerar qaadeen.

Dagaalka iyo duqeymaha ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay ka socdaan howdka u dhexeeya deegaanada Fiidow iyo Show oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamada Xoogga iyo kuwa Macawiisleyda oo ay hawada ka taageerayaan saaxibada caalamiga ay dhowr jiho ka weerareen saldhigyo ay xoogaga kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu sii xoogeysanayo marba marka ka dambeysa, waxaana uu kusii fidiyaa dhul ballaaran oo ku yaalla

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa shaaciyay nay khasaare xoogan ay gaarsiiyeen Shabaab, welina howlgalka uu socdo.

Xaaladda ayaa haatan ad mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli rasaas xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo deegaanadaasi.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada huwanta.

Hiiraan ayaa kamid ah gobollada uu ka socdo howlgallada xoreynta, waxaana halkii ugu horreysay ee uu ka billowday kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, tan iyo markii ay billowdeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda, dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay dhul ballaaran oo ku yaalla gobollada dalka.