Sawirro: Duulimaadyadii Garoonka Aadan Cadde oo hakad u galay musuq-maasuq

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta muddo uu hakad ku yimid shaqadii garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, taas oo saameyn ku yeelatay duulimaadyada gudaha iyo caalamiga.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in sababta ay tahay shidaal la’aan soo wajahday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, taas oo saameysay shaqada guud.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in arrintan ay timid, kadib markii wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Fardowsa Cusmaan Cigaal ay soo saartay ay shaqada uga joojisay shirkadii shidaalka geyn jirtay garoonka Aadan Cadde, waxaana arrintaas ay keentay in shidaal la’aan ay dhacdo.

Fardowsa ayaa lagu warramay inay dooneyso in shirkad ayada ku xiran ay siiso qanadaraaska shidaalka, si ay uga faa’iideysato dakhliga kasoo xaroonaya iibka shidaalka oo boqolaal kun oo dollar ah.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in diyaaradaha ay shaqadooda hakadka gashay ay ka mid yihiin kuwa caalami iyo kuwa gudaha ah oo ku xayiran gudaha garoonka, kadib markii ay saameysay shidaal la’aanta garoonka ka taagan.

Arrintan ayaa sidoo kale sawir xun ka bixineysa garoonka Muqdisho oo ay maalin welba kusoo dagaan diyaarado kala duwan oo isaga kala goosha Soomaaliya iyo Caalamka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kaso baxay dowladda federaalka iyo maamulka hay’adda Duulista Rayidka Hawada oo ku aadan dhacdad ka taagan garoonka.

Waxaa sidoo kale arrintaan ay kusoo aadaysaa, ayada oo uu maanta is-casilay wasiiru dowladihii Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug), kaas oo shaaciyay in musuq baahsan iyo ku takrifal awoodeed uu ka jiro wasaaraddaasi.

Wuxuu si gaar ah eedeynta ugu jeediyay wasiirka wasaaraddaasi, Fardowsa Cismaan Cigaal, isaga oo tilmaamay in ay xadgudub ku heyso muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla-markaana Wasaaradda ay ka dhigtay meel lagu dhibo dad shacabka ah.

“In damiirkeygu isiin waayay inaan ka sii tirsanaado xafiis lagu dulminaayo muwaadiniin Soomaaliyeed, laguna fool xumeynaya Adeegga iyo kalsoonida ay umadda Soomaaliyeed ku qabtay wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada” ayuu yiri Wasiir Caana-nuug.