Wararkii ugu dambeeyey ee dagaal ka qarxay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaal uu ka qarxay bartamaha magaalada, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaad taabacsan Janaraal Abuukar Xuud.

Dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay xaafadaha Nuur Xawaad iyo Dhagax Jabis, kadib markii ay gudaha u galeen maleeshiyaadka uu wato Xuud oo kasoo horjeedo HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad muddo socday uu ka dhacay halkaasi, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo maleeshiyada hubeysan ee uu hoggaamiyo Janaraal Xuud.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli xiisad xoogan iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan uu salka ku hayo diidmada kooxda Janaraal Xuud ee ku aadan kulan ay maanta magaaladaasi ku yeelanayaan golaha wasiirada dowlad goboleedka HirShabelle oo qaarkood shalay gaaray gudaha Beledweyne.

Xuud iyo maleeshiyaadkiisa oo muddo ku sugnaa duleedka Beledweyne ayaa ka waday halkaas abaabul ka dhan ah HirShabelle, waxayna arrintu ka dartay markii madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi uu shaaciyey in shirka golaha wasiirada lagu qabanayo Beledweyne, taas oo uu ka biyo diidan yahay janaraalkan ka gadooday doorashadii HirShabelle.

Si kastaba lama oga sida ay xaaladdu noqon doonto iyo waxa laga filan karo HirShabelle oo golaheeda wasiirada ay maanta kulan xasaasi ah ay ku leeyihiin halkaasi.