Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb iyo Cadaado

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo inay halkaas ka socoo qaban qaabo lagu soo dhaweenayo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Maalinta berri ah ku wajahan Magaaladaas.

Safarka Ra’isulwasaaraha ayaa imaaday kadib go’aankii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta oo ku aadanaa in Doorashada Galmudug ay ka dhaceyso magaalada Dhuusamareeb 4 July kadib markii ay arrintaas aqbaleyn Maamulka ugu sareeyo Ahlu Sunna oo soo garab maray Madaxweyne Xaaf.

Magaalada Dhuusarameeb ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa ciidamo ka tirsan Dowladda oo halkaas gaaray waxaana lasoo sheegayaa inay la wareegeen Amniga Garoonka Diyaaradaha iyo Goobta la filayo in la dajiyo Ra’isulwasaare Kheyre.

Waxaa iyagana halkaas gaaray Ciidamada Koofiyada gaduuda oo si gaar ah u sugi doono Amniga Ra’isulwasaaraha inta uu halkaas joogo.

Sida ay illo wareedyo rasmi ah u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online waxaa jiro qodobo ay Ahlu Sunna doonayaan inay kala hadlaan Ra’isulwasaare Kheyre isla markaasna ay shuruud ka dhigeyn inuu isaga yeesho saxiixa Heshiiska dhex marayo labada dhinac.

Dhanka kale Madaxweyne Xaaf ayaa weli ku sugan Magaalada Godinlabe oo u dhaxeyso Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado, wuxuuna halkaas kulamo kula leeyahay xubno isaga daacad u ah oo la socdo.

Sidoo kale waxaa Magaalada Cadaado gaaray Xildhibaano ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ku xigeenka koowaad ee aqalka Sare Abshir Bukhtaari cayna kamid yihiin Xildhibaan Odawaa, Saabir iyo Gariish.

Madaxweyne Xaaf ayaa la filayaa inuu isna gaaro Magaalada Cadaado kadib markii uu soo dhaweyn ka helay odayaasha iyo Siyaasiyiinta Cadaado oo sheegay inay Xaaf ku wareejin doonaan Madaxtooyadii uu markii hore ku shaqeyn jiray.

Waxaa Muuqato inay Dowladda Soomaaliya xoogeeda dhan isugu geeneyso sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd Maamulka Galmudug si ay Doorashada soo socoto halkaas uga soo saarto Xildhibaano iyada daacad u ah maadaama inta badan Xildhibaanada mucaaradka ku ah laga soo doorto halkaas.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com