Wararkii ugu dambeeyey dilal ka dhacay GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi siyaabo kala duwan loogu dilay ugu yaraan saddex qof oo ka mid ah dadka deegaanka.

Dilalka oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa geystay maleeshiyaad beeleed kasoo kala jeeda koonfurta iyo waqooyiga magaaladaasi oo ay ka kala arrimayaan maamullada Galmudug iyo sidoo kale Puntland.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in markii hore maleeshiyaad hubeysan ay suuqa Ariga Gaalkacyo ku dileen qof ka mid ahaa dadka deegaanka, waxaana kadib weerar qaaday maleeshiyaad ku heyb ah marxuumka oo iyaguna dilay laba qof oo kale.

Dilalkan ayaa salka hayo xiisad la xiriirta aano Qabiil oo ka taagan halkaasi, gaar ahaan koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo kan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaase sheegay inay bilaabeen howlgallo ballaaran oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey dilalkaasi.

Gaalkacyo waxaa in muddo ah kusoo noq noqday dilal iyo dagaal sokeeye oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad fara badan.