Wararkii ugu dambeeyey ee bandowga, doorashada iyo xaaladda MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa saaka ku waabariistay jawi ka duwan xaaladihii hore, kadib markii la xiray dhammaan waddooyinka caasimada sababo la xiriira doorashada madaxweynaha ee maanta dhaceysa.

Bandowgii ay xalay soo rogtay dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhaqan-galay kaas oo bilowday abaare 1:00 am, wuxuuna ku ekaan illaa beri subax 6:00 am, sida uu horey u shaaciyey taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Sidoo kale waxaa hakad ku jira dhaq-dhaqaaqa guud ee magaalada Muqdisho, sida gaadiidka, waxbarashada iyo ganacsiga, iyada oo wadooyinka lagu arkayo ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyo kuwa nabad sugidda oo xittaa celinaya dadka lugeynaya.

Go’aankan ayaa ahaa mid horey loo shaaciyey, isla-markaana lagu wargeliyey shacabka Soomaaliyeed, iyadoo dowladdu ay ka dalbatay inay dulqaataan inta ay socota doorashada.

Dhinaca kale waxaa haatan Teendhada Afisyoone ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada madaxweynaha, waxaana halkaas kusii qul qulaya xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, musharixiinta iyo marto sharaf kale.

Abaabulkii u dambeeyey ee musharixiinta ayaa sidoo kale socda, waxaana weli socota lacag bixinta lagu kala jiidanayo xildhibaanada labada Baarlamaanka ee codeynaya.

Musharaxiinta ayaa bixinaya lacag u dhexeysa 30 illaa 50 kun, ayada oo ay ku xiran tahay miisaanka xildhibaanka iyo heerka uu ka caawin karo musharaxa inuu xubno kale kusoo biiriyo.

Guddiga isku dhafka eedoorashada madaxweynaha oo dhankiisa ka hadlay diyaar garowgooda ayaa diray farriin la xiriirta doorashada madaxweynaha cusub ee dalka.

“Xildhibaannada iyo Dadka kale ee fasaxa u heysta doorashada waa in gawaaridooda uga soo tagaan goobaha loo asteeyay, cid Gaadiid la imaaneyso ma jirto, Waxaa loo mahadcelinayaa Ciidamada qalabka sida guud ahaan ee amniga sugaya iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo garabsiinaya,” ayuu yiri  Macalimu oo ka mid ah guddiga.

Doorashada Soomaaliya oo maanta la dhammeystirayo ayaa qaadatay muddo ka badan hal sano, kadib khilaafaad soo kala dhexgalay dowladda dhexe, maamullada & mucaaradka.