Wararkii ugu dambeeyey ee dab xooggan oo ka kacay suuqa Hargeysa (Daawo)

Hargeysa (Caasimada Online) – Dab xooggan ayaa xalay fiidkii ka kacay suuqa weyn ee ku yaalla bartmaha magaalada Hargeysa. iyada oo ciidamada dabdamiska iyo Dawladda Hoose ee magaalada ay ku guda jiraan gurmad lagu deminayo dabka.

Dabka ayaa ilaa saaka waaberigii weli socday inkasta oo lagu guuleystay in qeybo badan oo ka mid ah la damiyo, wuxuuna aad u burburiyey inta badan suuqa.

Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dabkani uu burburiyey hanti aad u badan, hase ahaatee aanay illaa haatan jirin wax khasaare nafeed ah oo uu geystay. Wuxuuna baaq u diray maayarada magaalooyinka kale ee Somaliland inay gurmad u soo diraan.

Suuqa bacadlaha ah ee Waaheen ayaa ayaa ku yaalla badhtamaha magaalada Hargeisa, waana suuqa ugu weyn, wuxuuna hoy u yahay kumanaan ganacsato ah oo isugu jira kuwa yaryar iyo kuwa dhexeba.

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa goobta booqday. Saraakiisha Dabdamiska iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa sheegaya in illaa haatan lala tacaalayo dabka.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay dabka oo gaystay khasaare baaxad leh, isagoo dalbaday in loo gurmado ganacsada ku hanti beeshay suuqa, waxaana uu Eebe uga baryey inuu bedel kheyl leh ugu badelo.

“Waxaan aad uga xumahay dabka ka kacay suuqa weyn ee Hargeysa, kaas oo geystay khasaare baaxad leh. Waxaan xanuunka la qeybsanayaa ganacsatada xoolahoodii ku waayay iyo dadka kale ee waxyeelladu ka soo gaartay. Waxaan Eebbe u weydiinayaa baddel kheyr leh iyo sabir. Waxaan ku baaqayaa in loo gurmado walaalaheenna dabku aafeeyay, annaguna waxaan kaalin ka qaadan doonnaa gurmadkaas” ayuu yiri. 

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay inuu ka murugaysan khasaaraha dabka.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda hantidooda ku waayey masiibadan, isaga oo xusay xaaladda abaareed ee uu dalka ku jiro iyo duruufaha dhaqaalaha ee dunidu ay la tacaalayso.

“Waxaan murugada la qeybsanayaa walaalaha ganacsatada ah ee dabka ka kacay suuqa Hargaysa uu galaaftay hantidooda, waxaan fadliga bisha Ramadaan awgeed Alle uga baryayaa in uu ka siiyo beddel ka khayr badan hantida halkaas kaga gubatay,” ayuu yiri.