Wararkii ugu dambeeyey ee dagaal ka dhacay Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo xalay ka dhacay xaafadda Kaawo-Godey dhanka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dagaalka oo bilowday xalay fiidkii hore ayaa wuxuu dhex-maray ciidamo milatari ah oo ku sugan xaafaddaasi iyo kuwa Haramcad oo garab ka helaya ciidamo Boolis ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada sida gaaarka u tababaran ee Haramcad oo howlgal waday iyo kuwa milatariga ee jooga halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu socday muddo ku dhow saacad, islamarkaana la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 7 qof oo kale oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Dhinaca kale waxaa dagaalka ku baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish iyo taliyaha Booliska Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo kala dhex-galay labada ciidan, balse ma jiro wax faah faahin ah oo mas’uuliyiintaas iyo laamaha ay ka bixiyeen iska hor imaadkaasi.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana si caadi ah ku soo nodqay isku socodka dadka iyo gaadiidka, xaafadda Kaawo-Godey ee degmada Wadajir.

Halkaan hoose ka dhageyso codka goobjooge ka hadlaya, sida ay wax u dhaceen.