‘Khilaaf soo kala dhex-galay QOOR-QOOR iyo GACAL’

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor  iyo Guddoomiyaha barlamaanka Galmudug D.r Maxamed Nuur Gacal uu khilaaf xoog leh soo kala dhex galay.

Khilaafkaas ayaa yimid kadib markii ay isku fahmi waayeen labadan masuul kulamo ay uga wada hadlayaan magacaabis wasiir ku-xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha maamulka Galmudug, iyadoo uu dhawaan madaxweynuhu magacaabay wasiirrada xukuumaddiisa.

Cabdisamad Yuusuf Cimli waa wasiir ku-xigeenkii hore wasaradda gaadiidka maamulka Galmudug ayaa sheegey in Madaxweyne Qoor-Qoor uu kaligiis talada isku koobay, isla mrkaana go’aannada uu qaadanayo uusan kala tashan gudoonka baarlamaanka maamulka iyo waxgaradka metela beelaha ku bahoobay Galmudug.

Cabdisamad ayaa Madaxweyne Qoor Qoor ku eedeeyey in wax war ah uusan ka heyn duruufta lagu soo dhisay Galmudug, isagoo tilmaamay in uu walaac badan ka qabo sii jiritaanka maamulka Galmudug.

Hadii ay sidaan xaaladu ku sii socoto Cabdisamad waxa uu sheegay inay macquul tahay in waqtiga dhaw la arko xildhibaano muushin ka diyaariyey Madaxweyne Qoor Qoor.

Madaxweyne Axmed Cadbi Kaariye Qoor Qoor ayaa dhawaan magacaabay golihiisa wasiirrada, balse waxaan weli la magacaabin wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha la filayo inay ka mid noqdaan xukuumadda madaxweyne Qoor-Qoor.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa lagu eedeeyey in soo magacaabidda wasiirrada cusub uusan wax la tashi ah kala sameyn waxgaradka iyo guddoonka golaha sharci dejinta maamulka, taas oo la sheegay inay aas-aas u tahay khilaafka soo kala dhex galay madaxweyne Qoor Qoor iyo guddoomiye Gacal.

Hoos ka dhageyso Cabdisamad