Cabdikariim GUULEED oo laba su’aal dowladda ka weydiiyay ciidanka toobiya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug iyo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed  ayaa su’aal ka keenay sharciga ay dalka ku joogaan ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn AMISOM.

Guuleed ayaa saluugsan habka ay ciidamada Itoobiya ku joogaan gudaha dalka, waxaana la ogyahay in baaritaankii ay AMISOM ku sameeyeen diyaaradii ku burburtay Bardaale ay soo rideen ciidamada Itoobiya, kuwaas oo aan ka tirsaneyn kana amar qaadan taliskooda.

Iyadoo ay taasi jirto ayuu siyaasigaan weydiiyay dowladda federaalka laba su’aalood oo ay tahay iney ka jawaabaan.

  1. Ciidamada Itoobiya ee la sheegay inay soo rideen diyaaradda, sharcigee ayey dalka ku joogaan kuna soo galeen, mala hor keenay sharciga, sidoo kalana golayaasha qaranka ma ansixiyeen?
  2. Yaa qaadanaya masuuliyadda dadkii Soomaaliyeed oo ay dileen, xad gudubka ay ku sameeyeen madax banaanida dalka iyo dhibaatada ay geesteenba?

Inkastoo arrintaan aan si weyn loo falanqeyn, haddana dowladda waxey ku qasban tahay inay ka jawaabto su’aalaha la hordhigay, waxaana laga sugayaa sidii ay uga falcelin laheyd dhibtaas dhacday.

Ugu dambeyntii madaxweynahii hore Galmudug ayaa la rumeysan yahay inuu ka mid noqon doono musharaxiinta xilka madaxtinimada dalka isu soo taagi doona marka la gaaro wakhtiga xiga ee doorashada.