XOG: Jabhad cusub oo ka abuurmatay XIISADDII ka dhalatay heshiiskii 30-sano ee Muuse Biixi uu ka baxay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhawaan ka baxday heshiis ay hore u saxiixday oo mudadiisu dhameyd 30-sanno, kaasi oo huteelka Hargeysa Club loogu wareejiyay labo muwaadin oo maal-galin badan ku sameeyay huteelkaasi.

Ka bixida heshiiskaasi ayaa dhaliyey xiisad hor leh oo si weyn looga dareemay gudaha Somaliland, midaasi oo ka dhalatay awood sheegashadii ay xukuumada Biixi kula wareegtay Hargeysa Club, isla markaana ay uga baxday heshiis mudadiisu aysan gaarin.

Sida ay xog ku helayso Caasimada Online, Xiisadaasi ayaa dhalisay in Jabhad cusub ay ka abuurmato galbeedka gobolka Sanaag, midaasi oo looga soo horjeedo ‘xad-gudub’ ay aaminsan yihiin in xukuumada Biixi kula kacday labadii muwaadin ee heshiiskaasi la gashay.

Suldaan Siciid Yuusuf oo kamid ah labada qof ee xukuumadu ay hore ugu wareejisay huteelka Hargeysa Club, lana saxeexday heshiiska 30-ka sanno ah ayaa ka dambeeya Jabhadaasi cusub, sida ay ilo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Suldaanka oo kamid ah bahda dhaqanka ee Somaliland, oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa gobolka Sanaag, ayaa ku guuleystay abuurista Jabhadaasi oo si weyn uga soo horjeeda xukuumada Muuse Biixi.

Jabhadaasi ayaa ujeedkeedu yahay sidii cadaadis xoogan loo saari lahaa xukuumada Muuse Biixi, isla markaana ay uga noqon laheyd awooda ay kula wareegtay Hargeysa Club oo dhaqaale badan uga baxday dhinacyadii ay heshiiska uga baxday.

Suldaan Siciid ayaa dhawaan si kulul uga hadlay heshiiskaasi ay xukuumadu uga baxday, isagoona Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ku eedeyay inuu wado ‘Dhul boob’ isagoo adeegsanaya awood dowladeeda, taasi oo uu ku sheegay inay horseedi karto bur-burka Somaliland.

Sidoo kale waxa uu dhawaan Suldaanku xukuumada ku eedeyay inay qeyb ka tahay hurinta coladaha gobolka Sanaag, isla markaana ay xukuumada qeyb ka tahay inay soo noq-noqdaan colaadahaasi oo ay ka dhashaan khasaare badan oo nafeed iyo mid hantiyeedba.

Caasimada Online, ayaa hore u baahisay suurta-galnimada uu Suldaanku ku abuuri karo Jabhad ka dhan ah xukuumada Muuse Biixi, taasi oo hadda u muuqata mid uu ka dhabeeyay.

Jabhadaha inta badan ka abuurma gudaha Somaliland, ayaa waxa sababta ugu weyn ee ka dambeysa lagu sheegay tacadiyada ay xukuumada Biixi ka tirsanayaan beelaha dega Somaliland, kuwaasi oo badanaa horseed u yihiin Salaadiinta ay sida gaar ah isku hayaan Muuse Biixi.