Tehran (Caasimada Online) – Israa’iil iyo Iran ayaa Sabtidii is-dhaafsaday weerarro culus oo sababay dhimasho badan, iyadoo midkoodna uusan muujin wax dhegaysi ah baaqyada caalamiga ah ee loogu yeerayo in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda.
Weerarro baaxad leh oo billowday aroortii Jimcaha, Israa’iil waxay beegsatay nidaamka Tehran, iyadoo weerarro ku qaaday goobaha nukliyeerka iyo kuwa milatari ee Iran. Weerarradaasi ayaa lagu dilay in ka badan 70 qof oo badnakood ah rayid balse ay ku jiraan afar sarkaal oo sare oo amni, waxaana sidoo kale waxyeello soo gaartay xarunta ugu weyn ee nukliyeerka Iran ee Natanz.
Iran ayaa dhankeeda qaaday weerarro is-daba-joog ah oo ay ku adeegsatay gantaallo ballaastik ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn, kuwaas oo lagu qaaday Israa’iil. Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay weerarradaas, halka tobaneeyo kalena ay ku dhaawacmeen, inkasta oo la rumeysan yahay in Israa’iil ay qarineyso khasaaraha dhabta ah.
Gantaallada riddda dheer ee Iran ayaa sidoo kale si toos ah u beegsaday xarunta dhexe ee ciidanka Israel, oo loo yaqaan Kiryat—taasoo ah dhisme u dhigma Pentagon-ka Mareykanka ee wasaaradda gaashaandhigga.
“Tani waa Pentagon-ka Israel – Kiryat. Dhismaha ku yaalla xaruntan ayaa si toos ah loo garaacay,” ayuu yiri Trey Yingst, wariyaha arrimaha dibadda ee Fox News, oo si toos ah uga soo warramayay magaalada Tel Aviv.
Waa iska horimaadka ugu daran ee muddo tobannaan sano ah dhex mara labada waddan ee si xoog leh u hubeysan, waxayna abuurtay cabsi laga qabo in colaadda ay sii fido, taasoo keeni karta faragelin kaga timaadda Mareykanka iyo quwadaha kale ee caalamka.
Weerarka Israa’iil ayaa yimid iyadoo Mareykanka iyo Iran ay wadeen wadahadallo ku saabsan heshiis diblomaasiyadeed oo cusub oo lagu xakameynayo barnaamijka nukliyeerka Iran. Israa’iil waxay ku doodeysay in Iran — oo ay u aragto cadowgeeda gobolka ugu weyn — ay ku socoto waddadii ay ku heli lahayd hub nukliyeer ah, arrintaas oo Israa’iil u aragto khatar halis gelin karta jiritaankeeda.
Subaxnimadii Sabtida, dadka ku nool caasimadda Tehran ayaa soo sheegay inay maqleen qaraxyo xooggan, halkaas oo ay ka hawlgaleen nidaamyadii difaaca cirka ee Iran. Milatariga Israa’iil ayaa sheegay inay fuliyeen weerarro xooggan oo lagu bartilmaameedsaday nidaamyada difaaca cirka ee ku hareeraysan Tehran.
Warbaahinta dowladda Iran ayaa ku warrantay in bartilmaameedyada Israa’iil ee habeenkii ay ka mid ahayd hool diyaaradeed oo milatari oo ku yaalla garoonka Mehrabad ee Tehran.
Dadka ku nool guud ahaan Israa’iil ayaa u cararay xarumo difaac oo dhisan, iyagoo uga dhuuntay gantaallada kusoo socday, iyadoo qaylo-dhaan digniin ah laga maqlayay bannaanka. Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlayay cirka xilli nidaamyada difaaca Israa’iil ay hawada ku burburinayeen gantaallada lasoo tuuray.
Sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Israa’iil, labada maalmood ee la soo dhaafay, Israa’iil waxay qaaday illaa 150 weerar oo ka dhan ah Iran, halka ciidanka Iran ay ku rideen Israa’iil ku dhowaad 200 oo gantaal ballaastik ah iyo tobanaan diyaarado aan duuliye lahayn.
Hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa sheegay in Iran ay u ciqaabeyso Israa’iil weerarradii ay qaaday. Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC), oo ah hay’ad milatari oo awood badan leh, ayaa sheegay in bartilmaameedyadoodu ay ahaayeen xarumo ciidan oo Israa’iil leedahay oo laga weeraray Iran.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa ku adkeystay in ololaha milatari uu socon doono “illaa inta loo baahdo”, wuxuuna shacabka Israa’iil ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dagaal adag. Habeenkii Jimcaha, isagoo muuqaal kula hadlayay shacabka, ayuu ku sheegay in Iran ay “waligeed ka daciifsaneyn sida ay hadda tahay.”
Qodobbada kale ee muhiimka ah:
Dhimasho badan oo ka dhacday Iran: Inkasta oo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada dhimashada, haddana danjiraha Iran u fadhiya Qaramada Midoobay, Amir Saeid Iravani, ayaa Golaha Ammaanka u sheegay in weerarrada Israa’iil ay dileen 78 qof ayna dhaawaceen ku dhowaad 300, oo badankood rayid ah.
Bartamaha Israa’iil: Subaxnimadii Sabtida, ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay iyo 19 kalena waa ay ku dhaawacmeen bartamaha Israa’iil kaddib weerar gantaal ah oo Iran ku qaaday, sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka Israa’iil. Adeegga gurmadka degdegga ah ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya guryo si daran u burburay. Booliisku waxay sheegeen in qof saddexaad uu ku dhintay weerarkii hore ee Iran ku qaadday Ramat Gan, oo ku taalla bariga Tel Aviv.
Aragtida Washington: Doorka Mareykanka ee ku aaddan colaaddan sii fidaysa wali lama caddeyn. In kasta oo saraakiisha Israa’iil ay rajaynayeen in maamulka Trump uu qayb ka noqdo weerarka, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ayaa beeniyay in Mareykanku ku lug leeyahay weerarrada. Hase yeeshee, Madaxweyne Trump ma uusan dalban in Israa’iil ay joojiso weerarka, waxaana saraakiisha Mareykanka ay sheegeen inay dhaq-dhaqaaqeen maraakiib dagaal iyo agab milatari si loo xoojiyo difaaca Israa’iil iyo ciidamada Mareykanka ee gobolka.
Mas’uuliyiin sare oo Iran ah oo la dilay: Iran ayaa sheegtay in la dilay laba taliye milatari oo sare, Mohammad Bagheri iyo Gen. Hossein Salami, iyo sidoo kale Ali Shamkhani, oo hoggaaminayey wadahadalladii nukliyeerka ee Iran iyo Mareykanka.
Goobaha Nukliyeerka: Rafael Grossi, oo ah madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka nukliyeerka (IAEA), ayaa Golaha Ammaanka u sheegay in weerarka Israa’iil uu burburiyey xarunta sare ee sifeynta nukliyeerka ee Natanz, taasoo keentay kiimiko qubatay. Balse wuxuu sheegay in daadashadaasi ay tahay “mid la xakameyn karo.” Wuxuu intaas ku daray in mas’uuliyiinta Iran ay sidoo kale soo warbixiyeen in weerarro lagu qaaday xarumaha nukliyeerka ee Fordo iyo Isfahan. Asi kastaba waxyeellada goobahaas gaartay ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa wax weyn u dhimeyn barnaamijka Nukliyeerka Iran.