Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Puntland iyo Galmudug iyo khasaaraha oo kordhay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan inuu kordhay khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay bariga gobolkaasi,  kaa oo u dhaxeeya maleeshiyaad kala taabacsan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Inkastoo dagaalka uu hadda u muuqdo mid ka yara qaboobay sidii hore ayaa waxaa lasoo sheegayaa in khasaare badan uu ka dhashay.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey dad ka badan 10, una badan dhinacyadii dagaallamayey, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 20 kale, sidey sheegayaan saraakiisha caafimaadka iyo sidoo kale dad ku dhow halka lagu dagaallamayo.

Dagaalkan ayaa saakay ka bilowday deegaannada kala ah Godod, Gacma-fuulle, iyo Cali Waal, waxayna Labada dhinac isku adeegsadeen rasaas xooggan.

Maamullada Puntland, Galmudug iyo waxgaradka Mudug weli ma aanay qaadin tallaab  lagu daminayo dagaalladan marka laga reebo hadallo ay mariyaan Idaacadaha ku yaalla gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa ku bilowday kadib markii Labada dhinac ay ku murmeen dhul waraab leh oo ku yaalla halka lagu dagaallamayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com