Ganacsatada hareeraha Isgoyska Zoobe oo amaro culus la dul dhigay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka aan ka haleyno Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Maamulka Degmada Wadajir uu amaro culus dul dhigay ganacstada Hareraha Soobe oo 14 Bishaan uu ka dhacay Qaraxo gilgilay Magaalada oo dhan.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Wadajir Sheekh Cumar C/laahi Xasan oo la hadlay Idaacadaha Gudaha ayaa sheegay inay amaro kor dhigeen ganacsatada Isgoyska Soobe ku gacansan jiray.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha  amarada  ayaa waxaa ka mid ah inaan Shidaal lagu iibin karin hareeraha laamiga Zoobe, inaan Qaadka lagu iibin karin dhinacyada laamiga iyo ganacsiyada yar yar ee kale ee halkaas ku lahaa sandaqadaha ganacsiga.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale  sheegay in qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe saameynta ugu badan uu ku yeeshay dadka ganacsatada yar yar ku lahaa Isgoyska Soobe, sidaas darteed wuxuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in dadka la badbaadiyo islamarkaana laga fogeeyo sida uu sheegay Isgoysyada.

Waxaa xusid mudan inuu Guddoomiyaha sheegay in  ay qorshe gaar ah u sameeyeen dadka ganacsatada yar yar ku lahaa Isgoyska Soobe marka laga raro Isgoyskaasi si uusan gaabis u galin howlahooda ganacsi.

Guddoomiyaha ayaa ganacstada ka codsaday inay amarkaan u hoggaansamaan isla markaasna ay maamulka la  shaqeeyaan.

Dhanka kale waxaa durba amarkaan cabasho ka keenay dadka halkaas ganacsiyaha ku lahaan jiray oo sheegay  inuu amarkaan dhibaato ku yahay ganacsigooda, waxayna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ka codsadeen in wax laga qabto amarka kasoo baxay Guddoomiyaha Degmada Wadajir.

Ganacsatada ayaa sheegay inaan waqtigooda waxba loogu dareyn isla markaasna aysan  macquul aheyn inay iska dhaafaan Isgoyska Zoobe.

Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay qaraxii ugu weynaa ee ebed ka dhaco Soomaaliya, wuxuuna galaaftay nafta ilaa 358 Qof oo Soomaalia ah halka ay ku dhaawacmeyn tiro kale oo gaareyso 220.

Haddaba halkaan hoose ka dhageyso Hadalka Guddoomiyaha: