Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada AQALKA SARE oo berri ka billaabaneysa…

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa haatan wada diyaar garowgii ugu dmabeeyey ee doorashada Golaha Aqalka Sare, taas oo si rasmi ah u billaabaneysa beri, waxaana ay ka dhaceysaa magaallo xeebeedka Kismaayo.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in doorashada 8 kursi ee Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya maamulkaasi ay dhaceyso beri oo ku beegan 25-ka July sanadka 2021-ka.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen qabashada doorashada, si markaasi loo fuliyo jadwalkii kasoo baxay golaha wada-tashiga qaran ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda magaalada Kismaayo ay gaari doonaan xubno ka socda dowladda dhexe, waxaana hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo dusha kala socanayo doorashada Aqalka Sare ee lagu wado inay beri ka dhacdo gudaha magaalada Kismaayo.

Doorashadan ayaa ah mid xasaasi ah, waxaana ka qeyb-galayaa shiqsiyaad kala duwan oo daneynaya ka mid noqoshada Senatorada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay goobaha muhiimka ah ee ku yaalla magaallo xeebeedkaasi.

Jubbaland ayaa haddii ay ku guuleysato qabashada doorashadan waxay noqoneysaa dowlad goboleedka horreeyey ee qabta doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya, taas oo si isku mid ah uga dhaceyso dhammaan xarumaha maamul goboleedka ee ka jira dalka.

Doorashada Soomaaliya ayaa soo martay marxalado kala duwan, waxaana dib u dhigay is qab qabsi siyaaasadeed oo muddo u dhexeeyey dowladda dhexe ee federaalka, qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaraadka ee ka qeybgalaya doorashada.