Wasiir FIQI oo u jawaabay ILHAAN CUMAR – “Dumaashi DAGAALKA nala soo gal”

Dhuusamareeb (Caasimada Oline ) – Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facbook-ga ayaa u jawaabay Senator Ilhaan Cumar, taas oo si adag uga hadashay duqeyntii Mareykanka uu ka fuliyey gobolka Mudug, isla-markaana dalbatay in baaris dhab ah  lagu sameeyo, haddii ay jiraan waxyeelo soo gaartay raydika.

Fiqi ayaa kula taliyey Ilhaan Cumar in aysan hiil u fidin kooxda Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay dhibaato ku heyso guud ahaan shacabka Soomalaiyeed.

“Walaasheen Rep. Ilhan Omar xisaabtanka gudaha hey’adaha dalkeeda waa u furan tahay, balse waxaa haboon in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday inuu ku sugan yahay deegaanadii duqeynta laga fuliyey, isaga oo xusay in kaliya lagu burburiyey goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, gaar ahaan meeshii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay saraakiishii ciidanka ee qeybta 21-aad.

“Waxaan ku suganahay oo dul istaagay goobihii gantaalada ay ka hadlayso ay ku dhaceen, waxaan argagixiso ahayn wax kuma noqon, gantaalahaas barakaysan waxay sababeen in la burburiyo goobihii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay taliyaashii Qeybta 21aad iyo taliyihii iyo taliye ku xigeenkii, Ururka Danab ee Galmudug ka hawlgala, saraakiil iyo shacab kale iyo sidoo kale qataro kale looga maleegayay dadka deegaanka iyo ciidamada ku sugan aagga Bacaadweyn, ahaydna xarunta lagu sameeyo qaraxyo la galiyo wadooyinka dadweynuhu isticmaalo oo dad shacab ah iyo duunyaba ay ku waxyeeloobeen bishii Juun iyo July-da aan ku jirno,” ayuu hadalkiisa raaciyey wasiirka.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin!,”.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Ilhaan Cumar inay taageerto howl-gallada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

“Ilhaan waxaa u quman in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Somalia sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday!.Dumaashi dagaalka nala soo gal! ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ay dalbatay u qiil u helida duqeyntii uu maamulka Biden ka geystay gobolka Mudug.