DF oo jawaab kulul ka bixisay hanjabaadii amiirka Al-Shabab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa waxay hoos-u-dhigtay hanjabaada ka timid horjoogaha guud ee Al-Shabaab ee ku wajahneyd ergadda ka qeybgaleysa xulista baarlamaanka 11aad ee soo aadan.

La-taliyaha koowaad ee arrimaha amniga xafiiska ra’iisul wasaaraha, Cabdi Diirshe oo u waramay VOA-da, ayaa carabka ku adkeeyay in ay dedaal badan ku bixin doonan sidii loo burburin lahaa cagajugleynta maleyshiyada.

“Siyaasadda dowladda federaalka ee ku wajahan kooxda Al-Shabaab way cadahay. Sidaas darteed, waa la jebin doonaa, waana laga ciribtiri doonaa dalka. Qorshe ayaa nooga degan adkeynta amniga goobaha ay ka dhaceyso doorashooyinka guud ahaan dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Amiirka Al-Shabaab oo cod laga soo duubay ay saxaafada maleyshiyadiisu faafisay asbuucii hore wuxuu ku caddeeyay in ay beegsan doonan dhamaan ergada, isaga oo ku booriyey in ay ka baaqsadaan kahor inta aysan khaarijin.

Amiirka Al-Shabaab ayaa uga digay shacabka iyo ergooyinka inay ka qeyb-galaan doorashooyinka dalka ka dhacaya.

“Waxaan uga digeynaa umaddeena inay ka qeyb qaadato doorasho ku sheegga dalka laga hirgelinayo, waxana uga digeynaa inay qeyb ka noqoto gumeysiga uu dalku ku jiro, garab iyo sharciyadna siiso ajendaha gaaladu wadato ee salka ku haya la dirirka Shareecada Islaamka,” ayuu yiri.

“Mujaahidiintu waxay kasoo horjeedaan qorshe kasa oo diinta ka hor imaanaya.. waxaan digniin iyo dardaaran u direynaa ergada wax soo xusha.. amnigiinaa ma sugi doonaan kuwa mansab raadiska ah, ha ku kedsoomina inaad dhaqaale heli doontaan; waa inaad ku tusaale qaadataan kuwii idinka horeeyay iyo inta ka nool nolosha ay ku nool yihiin.”

Abuu Cubeyda ayaa ugu dambeyn ammaanay maamullada Al-Shabaab ee wilaayaadka loo yaqaan, kuwaasoo uu sheegay inay damiyeen colaadii u dhaxeysay beelaha Soomaaliyeed, ayna tusaale u yihiin, sida uu yiri, inay Soomaaliya diinta ku midoobi karto.