Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka AQALKA SARE + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen, taas oo lagu qabanayo Teedhada Afisyoone oo ku dhex taalla xerada Xalane.

Doorashada ayaa goordhow billaaban doonta, waxaana haatan socda qaban qaabadii ugu dambeysay, iyada oo si weyn loo adkeeyey ammaanka xaruntaasi iyo waddooyinka gala.

Hoolka lagu qabanayo doorashada ayaa sidoo kale la diyaariyey, sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ee Internetka.

Marti sharaf kala duwan iyo mas’uuliyiin ayaa sidoo kale ka qaybgalaya doorashada, si ay goobjoog uga noqdaan doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Xilka guddoomiyaha waxaa isku soo taagay illaa 3 musharrax oo kala ah:- 1-Cabdi Xaashi Cabdillaahi ,2-Senator Saalax Axmed Jaamac 3-Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo dhammaantood kasoo jeeda Gobollada Waqooyi

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare waxaa sidoo kale ku tartamaya laba musharrax oo kala ah:- 1- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo laga soo doortay Galmudug 2-Senator Cali Shacbaan Ibraahim oo laga soo doortay HirShabelle.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa isku soo sharraxay ilaa 7 musharax oo kala ah:- 1-Cabdullaahi Xersi (Timacadde), 2-Senator Cabdi Cusmaan Xareed, 3-Senator Ilyaas Badel Gaboose, 4- Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), 5-Senator Xasan Xuseen Xaaji, 6-Senator Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade), 7-Senator Sareedo Maxamed Xasan Jeyte.

Beri oo ku beegan 27 April ayaa sidoo kale la qaban doonaa doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, walow khilaaf xoogan uu weli ka taagan yahay kuraasta gobolka Gedo.