Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka golaha shacabka Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu wadaa in maanta lagu qabto doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo labadiisa ku xigeen, taas oo ay u tartamayaan musharixiin dhowr ah.

Doorashada ayaa ka dhacaysa Teendhada Afisyooni, waxaana fariin wargelin ah loo diray xildhibaanada, iyada oona dhanka kale si weyn loo adkeeyey ammaanka wadooyinka gala xeradaasi.

Xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa isku soo taagay 1: Aadan Aadan Maxamad Nuur Madoobe, 2: Cabdullaahi Aadan Axmed Black, 3: Maxamad Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, 4: Sadiiq Cabdi Nuur, 5: Aadan Maxamad Nuur Saransoor, 6: Shariif Maxamad Cabdalla, 7: Cabdirashiid Maxamad Xidig 8: Xasan Cabdi Nuur.

Sidoo kale waxaa guddoomiye ku xigeenka Koowaad ku tartami doono xildhibaanada kala ah:- 1: Maxamad Cumar Caana nuug, 2: Maxamad Cumar Ceymoy, 3: Sacdiya Xaaji Yaasiin, 4: Maxamad Nuur Abubakar Shariif Mustafa, 5: Maxamad Cabdiqadir Jeego, 6: Cabdiraxman Cabduqaadir Cadde, 7: Cabdikariin Cabdow Xeydar.

Waxaa sidoo kale xilka guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka isku soo sharraxay 1: Cabdulaahi Cumar Abshirow, 2: Mahad Cabdalla Cawad, 3: Maxamad Xuseen Abuukar, 4: Asad Cabdirisaaq Maxamad, 5: Axmad Aadan Axmad, 6: Saciid Maxamad Cali.

Xiisad xoogan ayaa ka taagan doorashada guddoonka Golaha Shacabka, waxayna ka dhalatay xildhibaannada lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey, mida kale waa arrinta amniga oo uu is qab qabsi ka dhashay, maadaama ra’iisul wasaaraha amray inay la wareegaan ciidamada ATMIS, halka ay ka horyimaadeen Farmaajo iyo taliyaha Ciidanka Booliska, taas oo xiisadda uga sii dartay.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse shalay ayey aheyd markii xarunta Afisyooni lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen.