Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada gudoomiye ku xigeenada golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta la dhammeystiro doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana loo ballansan yahay in la doorto ku xigeenada koowaad iyo labaad kadib markii xalay la doortay gudoomiyaha cusub ee Golahaasi.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada labadan xil ayaa haatan ka socota Muqdisho, gaar ahaan Teendhada Afisyooni oo ah halka ay ka dhaceyso doorashada.

Musharixiin dhowr ah ayaa ku loolamaya guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee baarlamaanka 11-aad, kuwaas oo ku kala bixi doono codadka xubnaha baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa isku soo taagay illaa 10 musharrax, halka ku xigeenka labaadna ay isku soo sharraxeen illaa 7 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Kulanka maanta ee baarlamaanka ayaa waxaa guddoomin doono Sheekh Aadan Madoobe oo loo doortay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.

“Ku-meel-gaarnimo dambe waa laga baxay,” ayuu yiri gudoomiyihii Ku meel-gaarka ahaa ee Golaha Shacabka Ambasador Cabdisalaan Liibaan Dhabancad.

Doorashada guddoonka baarlamaanka oo soo martay marxalado kala duwan ayaa ugu dambeyn la xaqiijiyey, kadib markii uu waqti culus geliyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya oo ah mas’uulka ugu sarreeya maamulka doorashooyinka.

Dhammeystirka doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal ayaa dalka ka saareysa xaalad hubanti la’aan ah oo ay Soomaaliya ku jirtay muddo ka badan hal sano & dheeraad.