Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda qaban qaabadii ugu dambeeyey ee loogu jiro doorashada guud ee madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo loo geli doono loolan culus.

Guddiga isku dhufka ah ee labada Aqal ee loo xil-saaray doorashada ayaa weli wada diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah, taas oo socota maalinta labaad oo xiriir ah.

Shahaado siinta iyo diiwaagelinta ayaa socon doonto illaa 10-ka bishan aynu ku jiro ee May, sida uu qorshuhu yahay.

Illaa iyo hadda waxaa is diiwaan-geliyey 10 musharrax, kuwaas oo shahaadada qaatay, waxana ay u badan yihiin xubnaha mucaaradka dagaalka kula jira Villa Somalia.

Dhankiisa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa xalay si rasmi ah ugu dhowaaqay musharaxnimadiisa, isaga oo shaaciyey inay ka dalbadeen shacabka.

Farmaajo ayaa sidoo kale baaq u diray xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday inay codkooda siiyaan.

“Baaqa koowaad waxaan u dirayaa xildhibaanada sharafta leh ee labada Aqal, waxaan ka codsanayaa inay codkooda i siiyaan, si aan wadajir ugu guuleysano oo u hormarino dalka iyo dadkeena, una sii socodsiino is bedel doonkii soo bilowday Febraayo 2017-kii” ayuu yiri.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, xilli kooxda Villa Soomaaliya ay dhowaan billaabeen ololaha dib u doorasho ee Farmaajo, iyaga oo hal ku dhig ka dhigtay “Isbeddel Doonka Socda”, kaas oo loo fasiran karo in isbaddalkii uu xukunka ku yimid Farmaajo inuu weli aaminsan yahay inuu yahay mid socda.

Si kastaba, doorashada madaxweynaha ayaa dhaceysa 15-ka bishaan May, iyadoo ay si weyn ugu tartami doonaan musharixiin saameyn leh oo isku soo taagay madaxweynaha.