Is-diiwaangelinta xubnaha musharixiinta oo maanta lasoo gaba-gabeynayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee qabashada doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo ay ku tartami doonaan musharixiin fara badan.

Guddiga isku dhafka ah ee doorashada madaxweynaha ayaa shaaciyey maanta lasoo gabagabeyn doono diiwaangelinta xubnaha musharixiinta ah oo maalintii saddexaad toos uga socota xarunta Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha maanta shahaadada qaatay waxaa ka mid ah madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni), musharrax Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, musharrax  Maxamed Amiin Faarax iyo musharixiin kale.

Guud ahaan lllaa iyo hadda waxaa shahaadada qaatay in ka badan 30 musharax oo u tartami doono kursiga madaxweynaha oo sanadkan loolan adag loo geli doono.

Dhinaca kale guddiga qaban qaabada doorashada ayaa musharaxiinta is-diiwaangeliyey iyo kuwa raba inay maanta is-diiwaangeliyaan u sheegay inay maalinta Talaaladada ah ee 10-ka bishaan May ku soo gudbiyaan illaa 400 oo nuqul oo daabacan oo ka mid ah barnaamijkooda doorashada iyo weliba nuqul Electronic ah.

Sidoo kale maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay si rasmi ah u billaabato hadal jeedinta  musharrixiinta, waxaana ugu dambayn 15-ka May la qaban doonaa doorashada.

Si kastaba, diyaar garowga doorashada ayaa si wanaagsan ku socota, iyada oo shalay lasoo saaray habraaca amniga doorashada oo ay sugi doonaan ciidanka Booliska & ATMIS.