Wararkii ugu dambeeyey ee duulaanka GURICEEL iyo ciidanka DF oo ku dhowaaday

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya kuwa Galmudug iyo Xoogaga Ahlu Sunna oo dhinaca kale ah ayaa dhadhaqaaqyo iska soo horjeeda ka wada Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo ka dhaqaaqay deegaanka Ceeldheere ayaa la soo sheegaya inay ku sii siqayaan Magaalada Guriceel. Labada ciidan ayaa xalay ku sugnaa halka lagu magacaabo Tuulo Sadiiq, oo ku taala inta u dhaxeyso Ceeldheere iyo Guriceel.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in ciidamada ay waddada ugu safrayaan, si taxadar badan laga arki karo, maadaama goobahaasi ka ag-dhow yihiin dagaal-yahanada u daacadda ah Ahlu Sunna, mar kastana ay suurtagal tahay in dagaal uu ka dhex qarxo.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa dhinacooda abaabul ka wada Magaalada Guriceel iyo deegaanada ka baxsanba, kuwaa oo yoolkoodu yahay inay difaacdaan gacan ku haynta magaaladaasi.

Sidoo kale Xoogaga Ahlu Sunna oo wata gaadiidka dagaalka ayaa shalay socod ku maray wadooyinka iyo xaafadaha Magaalada Guriceel. Ciidamada waxaa magaalada loogu arkaya si ka duwan, maalmihii la soo dhaafay.

Xoogaga Ahlu Sunna ayaa sidoo kale gelinkii dambe ee shalay bar kontorool ka sameystay waddada looga leexdo Garoonka Diyaaradaha Guriceel, halkaasoo ay ku baarayaan gaadiidka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb.

Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee iska soo horjeeda ayaa baqdinta ku kordhiyay dadka reer Guriceel, kuwaa oo intooda badan isaga barakacay magaalada. Xiisadda ka jirta gobolka ayaa dhabaha u xaartay in hakad uu ku yimaado dhaqdhaqaaqii ganacsi ee magaaladaasi.

Jimcihii ayay ahayd markii Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe uu Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka u sheegay inaanay ka bixi doonin magaalada.

Dhanka kale Cabdullaahi Cabdi Raage oo ka mid ah Saraakiisha Xoogaga Ahlu Sunna ayaa shalay ku dhaawacmay shir gaari, oo uu ku galay miyiga Koonfurta Guriceel.

Cabdullaahi Cabdi waxaa lagu tilmaamaa Saraakiisha aadka ugu dhow Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna Waljameeca, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax.