Cabdikaafi Maxamuud oo weerar ku qaaday Qoor Qoor

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Cabdikaafi Maxamed Maxamuud oo kamid ah siyaasiyiinta Galmudug horeyna u soo noqday wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Galmudug, ayaa ka hadlay xaalada maamulka Galmudug.

Cabdikaafi ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu ku jiro waqtigii ugu xumaa intii uu jiray, isagoona weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Qoor-Qoor oo uu ku sifeeyay “dagaal doonka iyo huriyaha colaada”.

“Ahlusunna ma doonayso dagaal, weerar kuma ahan maamulka Galmudug, doorsahadana ma diidana, kaliya ASWJ waa Shabaab diid,” ayuu yiri Cabdikaafi Maxamuud.

“Waxaa ugu baaqaynaa dadka Soomaaliyeed ee nabada jecel, Raysulwasaaraha Soomaaliya, saaxiibada Soomaaliya iyo hay’adaha xaquuqul insaanka inay wax ka qabtaan kana hortagaan dhiiga Madaxwayne Qoor Qoor daadinayo ee reer Galmudug.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in hogaanka Ahlusunna ay u joogaan deegaanada Galmudug la dagaalanka Al-Shabaab, si ay uga xoreeyan shacabka Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

“Qoor Qoor waa dagaal doon, dhiig doon, isagaana hurinayo colaada Guriceel. Qasadka ASWJ kaliya waa inay shacbiga Galmudug ka xoreeyaan Al Shaabaab,” ayuu hadalkiisa ku yiri Siyaasi Cabdikaafi.

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay shacabka Guriceel inay u midoobaan difaacooda, ayna meesha ka saaraan kala aragti duwanaanshaha, isagoo sheegay in dhibaato kasta oo ka dhacda deegaankaas ay mas’uul ka noqon doonaan madaxweyne Qoor Qoor iyo Villa Somalia.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya