Kiiskii badda: Dalalka la kala saftay Soomaaliya iyo Kenya

Inkasta oo lasoo gabagabeeyey kiiska Badda, Soomaaliyana ay ka guuleysatay Kenya hadana 7-badii sano ee dacwadu taallay ICJ, waxaa jiray in dalalka ay caalamka ay la kala safteen Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa xusid mudan in kiiska dartiis u xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan wixii ka dambeeyey shirkii London ee February 2019-kii, laakin ma jirin wax dhedhexaadin ah oo dalalku sameeyeen.

Haddaba, Waxaan Halkan Kusoo Koobeynaa Sidad Dalalka ugu Kala Qeybsameen Kiiska badda:

Dalalka La Jiray Kenya:

Mareykanka: Dalka Mareykanka waxaa uu la jiray Kenya, oo uu in badan soo marsiiyo danahiisa uu ka leeyahay Soomaaliya, gaar ahaan la dagaalanka waxa loogu yeero argigixisada iyo heshiisyo badan oo labada dal ay galeen.

Faransiiska: Dalka Faransiiska waxaa uu la jiray Kenya, waayo shirkadda TotalEnergies SE ayaa ka mid ah shirkadaha maalgeshtay dhulka muranka ka jiray, iyada oo heshiisyo shidaal qodis ah la gashay Kenya.

Qatar: Dalka Qatar waxaa uu ka mid ahaa dalalka la safnaa Kenya, waayo shirka Qatar Petroleum ayaa sheegtay 2019-kii in heshiis la gashay shirkada ENI iyo Total, si ay saammi 25%  ugu yeelato sahminta saddex Baloog oo ku yaala Laamu, oo ah gobol dhaca xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Qatar waxaa ay iibsatay xisadada 13. 75 oo ay ka iibsatay ENI iyo  11.25 oo ay ka iibsatay Total, waana saddex Baloog oo ku yaala Laamu Basin.

Dalalka La Saftay Soomaaliya

Imaaraadka: Dalka Imaaraadka waxaa uu ka mid ahaa kuwa taageersan Soomaaliya, waayo waxaa uuba bixiyey lacagta la siiyey qareennada iyo inta badan qarashka kiiska badda, waxaa uu sidoo kale damac ka leeyahay dekada Soomaaliya ee dhaca gacanka Cadan iyo badda Cas.

Ingiriiska: Dalka Ingiriiska marka laga soo tago in shirkadihiisa ay lahaayeen sahmin iyo xataa rajada shidaal qodis iyo iibsashada bologyada, haddana sababta Ingiriiska ula safteen Soomaaliya waxaa xoojiyey iyada oo aad u xumaa xiriirka dalkaasi iyo Uhuru Kenyatta, oo lagu eedeeyey falal ka dhan banii’aadnimada.

Norway: Dalka Norway waxaa la safatay Soomaaliya, shirarka lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya, shirkadaha ugu badan ee dalabaadka soo gudbista waxay ahaayeen Norway, waxaa kale oo intaa dheeraa ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo ahaa Norwegian.

Isha: Goobjoog News