Boqor Maxamed Jaamac oo shaaciyey mas’uuliyiin DAL kale kasoo qaaday lacag lagu rido Farmaajo (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Maxamed Jaamac Cumar oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyey Boqor Cusmaan Buurmadow, isagoo sheegay in lacago loo adeegsanayo in lagu rido madaxweyne Farmaajo uu ka soo qaaday dowladda Imaaraadka Carabta.

Boqor Maxamed ayaa sheegay in Boqor Buurmadow uu mudo sanad ah u sheegayey in Imaaraadka ay ka wada shaqeynayaan sidii uu uga soo qaadi lahaa lacag xukunka looga tuurayo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Imaaraadka ayaa u soo dhiibay Boqor Burmadow lacag uu rabo inuu dalka ku burburiyo waliba madaxwayne Farmaajo in lagu rido, arrintaas xogteeda haya’adaha baarista aniga ayaa siinaya, ninkaas iyo wasiir Maareeye dalka halaga qabto,” ayuu yiri Boqor Maxamed Jaamac.

Sidoo kale Boqor Maxamed ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka uu uga digayo inay lacag lagu carqaladeeyo doorashada Soomaaliya ay u soo dhiibto Boqor Buurmadow.

“Dowladda Imaaraadka waxaan leeyahay ka joojiya Soomaaliya carqaladda, gaar ahaan walaalkey Boqor Cusmaan Buurmadow ha u soo dhiibina lacag, yuusan idinka iyo Soomaaliya dhibaato ugu geysan lacagtaas anigaa idinka aqaan ninkaas waa ina adeerkey,” ayuu yiri.

Sidoo kale odagaan ayaa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hey’adaha ammaanka waxa uu ugu baaqay inay dalka ka ilaaliyaan in lasoo geliyo lacagtaas uu sheegay in Imaaraadku uu soo dhiibayo Boqor Cusmaan Buurmadow.

Dhanka kale Boqor Maxamed Jaamac ayaa Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ku eedeeyey inuu kala qeybinayo beeshiisa, isagoo ku eedeeyey inuu afduubtay xubno ka mid ah reerka uu baarlamaanka ku metelo.

“Maareeye dad badan ayaa u afduuban, mar kasta oo xilli doorasho la gaaro meel hoose iyo inuu dadka handado ayuu ka soo bilaabaa, masuul kasta waxaan uga digayaa in ninkaas ‘burcadka ah’ uu soo galo xafiiskiisa iyo xisbigiisa,” ayuu yiri Boqor Maxamed Jaamac.

Hoos ka daawo