Wararkii ugu dambeeyey ee hoobiyeyaasha maanta lagu garaacay baarlamaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomalaiya ayaa sheegaya in goordhow hoobiyeyaal lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, xilli ay ku shirayeen xubnaha labada Gole.

Hoobiyeyaasha ayaa ku dhacay afaafka hore ee xarunta, xilli uu soo dhammaaday kulan ay lahaayeen xildhibaanada labada Gole oo lagu ansixiyey habraaca doorashada guddoonka.

Xaaladda goobta ayaa mar qura is-bedashay, waxaana qal-qal amni laga dareemay xarunta Baarlamaanka oo ay ka socotay shaqo adag oo lagu dardargelinayo doorashada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa jira khasaare u badan dhaawac iyo burbur ka dhashay hoobiyeyaasha lagu garaacay xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka dhaawacmay ay ku jiraan laba ka mid ah ilaalada xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame oo ku sugnaa barxadda Baarlamaanka.

Dhanka kale kooxda Al-Shabaab ayaa durbo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, kadib qoraal ay ku baahisay Internet-ka, kaas oo kaga hadashay weerarka Baarlamaanka.

kooxda ayaa shaacisay in hoobiyeyaasha ay ku dhaceen gudaha xarunta, balse ma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay halkaasi.

Arrintan ayaa sii kordhineysa walaaca laga qabo amniga dalka, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Muqdisho, xilli lagu jiro kala guur iyo marxalad adag oo doorasho.