Wararkii ugu dambeeyey ee isu soo dhowaanshaha Farmaajo iyo Axmed Madobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa inay sidii hore isaga soo dhowaanayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, islamarkaana ay inta badan is faham hoose ka gaareen doodii ka taagneed arrimaha Jubbaland.

Mas’uuliyiintaan oo laba jeer kulan ku yeeshay Dhuusamareeb intii uu socday Shirka Madaxda Qaranka iyo kuwa maamul gobaleedyada, ayaa waxaa kadib jiray xiriiro dhex maray dhinacyo ka kala socday, kuwaas oo ku heshiiyay in la ilaaliyo dastuurka Jubbaland iyo kan qaranka, lana qaboojiyo xiisadda.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa Axmed Madoobe u sheegay inuu dhowri doono dastuurka Jubbaland, taas oo ka dhigan in dowladiisa aqoonsato doorashadii Kismaayo,” ayuu yiri masuul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo codsaday inaan la magacaabin.

Sidoo kale, Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa ku heshiiyay in shir dib u heshiisiin ah loo qabto beelaha Jubbaland waxayna shirarkaas ka dhici doonaan magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey si loo xaliyo tabashooyinka beelaha iyo siyaasiinta qaar.

Tallaabadii ugu dambeysay ee muujisay isu soo dhowaanshaha labada dhinac ayaa ahayd go’aankii ay dowladda Soomaaliya Arbacadii ku qaaday xayiraaddii duulimaadyada caalamiga ah ee saarneyd magaalada Kismaayo, ayada oo fasaxday in diyaaradaha rakaabka ee caalamiga ah ay toos u tagaan ama uga dhoofaan garoonka Kismaayo, iyagoo soo marin Muqdisho.

Go’aanka ee Dowladda Soomaaliya dib ugu fasaxay duulimaayada caalamiga ah ee tooska ah ee Kismaayo ayaa qeyb ka ah fulinta heshiis ay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Farmaajo gaareen.

Sida ay xogta ku heshay Caasimadda Online, qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen isla markaasna aan saxaafadda lala wadaagin ayaa waxaa kamid ah:

In Dowladda Soomaaliya ay dib usoo celiso ciidamada ay geysay Gedo
In Dowladda Soomaaliya ay dib xoriyadda u siiso guddoomiyaashii Gedo ee la xiray
Iyo qodobka sedexaad ee ahaa in dib loo fasaxo duulimaadyada toos ah ee magaalada Kismaayo, wuxuuna qodobkaan noqday midkii ugu horeeyey oo ay Dowladda Soomaaliya fuliso.

Ilo-wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweyne Farmaajo oo hadda dhinacyo badan ay uga furan yihiin dagaallo siyaasadeed uu garowsaday in sii socoshada dagaalka Jubaland aysan hadda dan ugu jirin. Si kastaba, haddii Farmaajo dib loo doorto, ama uu helo muddo kororsi sida uu hadda u ololeynayo, waxaa suurtagal ah in wax walba isbedelaan.