DF Soomaaliya oo xayiraadii duulimyaadyada caalamiga ah ka qaadday Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda Soomaaliya ayaa xayiraaddii duulimaadyada caalamiga ah ee saarneyd magaalada Kismaayo, ayada oo fasaxday in diyaaradaha rakaabka ee caalamiga ah ay toos u tagaan ama uga dhoofaan garoonka Kismaayo, iyagoo soo marin Muqdisho.

Waraaq maanta oo taariikhda tahay 5 Aguas kasoo baxday Hey’adda duulista hawada ee Xukuumadda Soomaaliya, oo nuqul kamid ah ay aragtay Caasimada Online, ayaa dib loogu fasaxay duulimyaadyada caalamiga ah ee Kismaayo.

Diyaaradaha la fasaxay ayaa ah kaliya kuwa rabaabka ah, waxaana weli la fasaxin kuwa xamuulka qaado oo ay ku jiraan diyaaradaha jaadka ka keeno Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay Kismaayo diyaaradaha tooska ah ka joojisay sanadkii hore xiligaas oo ay Dowladda Soomaaliya ka hor timid doorashadii ka dhacday Kismaayo ee dib loogu doortay madaxweyne Axmed Madoobe.

Tallaabada ay qaaday Dowladda Soomaaliya ee dib loogu fasaxay duulimaayada caalamiga ah ee tooska ah ee Kismaayo ayaa qeyb ka ah fulinta qeyb ka mid ah heshiis ay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Farmaajo ku gaareen magaalada Dhuusamareeb.

Sida ay xogta ku heshay Caasimadda Online, qodobada ay labada dhinac ku heshiiyeen isla markaasna aan saxaafadda lala wadaagin ayaa waxaa kamid ah:

  • In Dowladda Soomaaliya ay dib usoo celiso ciidamada ay geysay Gedo
  • In Dowladda Soomaaliya ay dib xoriyadda u siiso guddoomiyaashii Gedo ee la xiray
  • Iyo qodobka sedexaad ee ahaa in dib loo fasaxo duulimaadyada toos ah ee magaalada Kismaayo, wuxuuna qodobkaan noqday midkii ugu horeeyey oo ay Dowladda Soomaaliya fuliso.