QOOR QOOR oo soo saaray digniin ku aadan shirka xiga ee Dhuusamareeb (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo galabta ka dhoofayey garoonka Aadan Cadde ayaa warbaahinta la hadalay, isaga oo faahfaahin ka bixiyey qaboomidda wajiga seddaxaad ee shirka Dhuusamareeb iyo qodobo kale.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in shirku uu ku qabsoomi doono waqtigiisa, isla markaana loo xil saaray guddi farsamo oo soo qaban-qaabiya oo 15-ka bishan la isugu tegi doono Dhuusamareeb.

Waxa uu sidoo kale ka digay in shirka la carqaladeeyo. “Dhamaan dhinacyada shirkaas uu khuseeyo iyo Soomaaliya oo dhan waxaan ugu baaqeynaa in waqtigaan la tixgeliyo wax kasta oo shirkaas dib u dhac ku keeni karana laga fogaado,” ayuu yiri Qoor Qoor

Madaxweynaha ayaa maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho, waxuuna sheegay in safarka uu ku joogay Muqdisho uu ku saabsanaa sidii uu madaxda ugala hadli lahaa ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb-3, isla markaana ay haatan wax kasta ku socdaan si caadi ah.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu kula kulamay qeybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug oo uu kala hadlay dhaqan gelinta heshiisyadii shirkii Hobyo oo ay ugu horeyso dar-dar gelinta dhismaha dekedda Hobyo, waxuuna sheegay in haatan meel fiican ay wax u marayaan.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa warbaahinta u sheegay in safar shaqo uu ugu amba-baxayo dalka Turkiga oo maalmo kooban uu ku maqnaan doono, isla markaana mudada shirka ka hor uu tegayo Dhuusamareeb oo 15-ka bishan la filayo in uu ka dhaco wajiga 3-aad ee shirka wadatashiga madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.