Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada cusub ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay kulankooda ugu horreeya ku yeeshaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Xildhibaanada cusub ayaa waxaa loo diray fariimo wargelin ah oo ku aadan inay soo xaadiraan kulanka oo maanta oo ka dhacaya xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa iyo tan ay ku shiraan xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa warbixn lagu siin doonaa xildhibaanada cusub, howlaha horyaala iyo qeybinta xeer hoosaadka u gaarka ah doorashooyinka gudoomiyeyaasha & madaxweynaha.

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Cabdisalaan Dhabancad oo ka hadlay kulanka ay maanta yeelanayaan ayaa sheegay inay dadajin doonaan howlaha shaqo ee hor yaalla.

“Fadhiga 1aad ee Golaha Shacabka waa furitaanka, ka shaqeynta Hay’adda Sharci dejinta oo howsheeda istaagtay, Dalka sidii Dowladdiisa u kala horreysa loo wado sida qaban-qaabinta doorashada Guddoonka si Dowladnimada uu ula wareego, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa lagu dooranayaa Guddoomiyaha & labadiisa Ku xigeen, taladu waa mid dhextaalla 275-ta Xildhibaan” ayuu yiri gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Somalia.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray maamullada HirShabelle iyo Jubbaland oo uu ka dalbaday inay soo dhammeystiraan xildhibaanada ka harsan maamulladaasi.

“Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabelle & Jubbaland oo ay ku dambeeyaan Xildhibaannada waxa aan ka codsaneynaa in la dadejiyo, Hir-Shabeelle oo kuraas yar ku dhiman yihiin waxa aan leenahay maalin ama labo maalin kusoo gabagabeeya, Jubbaland sidoo kale dadejiya doorashada 16ka kursi si dhammaan Xildhibaannadu ugu soo wada xaadiraan Aqalkooda” ayuu sii raaciyey xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

Si kastaba, xildhibaanada cusub oo la dhaariyey 14-kii bishan ayaa laga sugayaa inay dhammeysitaan doorashada dalka, gaar ahaan tan guddoonka iyo mida madaxweynaha.