Wararkii ugu dambeeyey ee loolanka kursiga Mursal iyo qorshihiisa BAYDHABA

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Mursal ayaa waxaa garoonka diyaaaradaha ee Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay xubno uu ka mid yahay guddoomiyaha golaha wakiilada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cali Saciid Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Baydhabo u tegay arrimo la xiriira doorashada, gaar ahaan ka qeyb-galka tartanka loogu jiro doorashada baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa doonaya inuu markale difaacdo kursiga HOP182 maadaama uu ka mid ah yahay kuraasta la shaaciyey ee Koonfur Galbeed.

Afhayeenka baarlamaanka oo si dhow saaxib ula ah madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa rajo weyn ka qaba dib u soo laabashadiisa, waxaana kursigiisa uu ka mid yahay kuwa ugu horreeya ee lagu dooranayo Baydhabo.

Waxaa sidoo kale inta uu joogo Baydhabo guddoomiyuhu la kulmi doonaa madaxda Koonfur Galbeed iyo qeybaha bulshada, isaga oo kala hadli doono arrimaha doorashada.

Koonfur Galbeed ayaa dhowaan shaacisay qabashada doorashada 11 kursi oo ka mid ah doorashada Golaha Shacabka, taas oo ka dhaceysa deegaanada maamulkaasi.

ors