Wararkii ugu dambeeyey ee QARAX ka dhacay BALCAD

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo barqanimadii maanta ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka iskuulka sare ee Balcad, waxaana uu ahaa nooca meelaha fog-fog laga hago.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu dhacayey qaraxan uu iskuulka ka socday imtixaan ay galayeen ardayda fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe, siday ay inoo sheegeen goobjoogayaal.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal askari oo ka mid ahaa ciidamada ammaanka ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, iyada oo kadib goobta ay gaareen ciidamo kale.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxa, kadib uu qal-qal xoogan soo wajahay ardayda ku sugneyd iskuulka oo markii dambe la fasaxay.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan qaraxaasi dhaliyey khasaaraha dhaawaca ah.

Balcad oo ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa inta badan ka dhaca qaraxyo iyo weeraro toos ah oo ay ku soo qaadaan dagaalyahanada Al-Shabaab.